|

Gudoomiyaha Guurtida oo ka hadlay cabashooyinka Ururada Siyaasada iyo Safar Caafimaad oo u baxayo

 

 

Hargaysa 24.Dec (SDN) Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Saleebaan Maxamud Aadan ayaa maanta kulan albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida isla markaana ku wargaliyay inuu socdaal caafimaad ku tagayo Wadanka Dibadiisa.

Gudoomiye Saleebaan Maxamud Aadan oo kulankaas kadib Saxaafada kula hadlayay Xarunta Golaha Guurtida ayaa iftiimiyay Xaalada dalku ku jiro,Mudada Socdaalkiisu qaadan doono,iyo talooyin uu u soo jeediyay Xisbiyada,Ururada Siyaasada,iyo Saxaafada dalka.

Waxa uu Gudoomiyaha Golaha Guurtidu sheegay in Mudo kooban oo aanu cayimin inta ay tahay uu safar caafimaad ku tagayo dalka dibadiisa waxa uu gudoomiyuhu ku guubaabiyay Xubnaha Golaha Guurtidu inay doorkoodii nabadaynta iyo isu soo jiidka dhinacyada Siyaasada ay sii libin laaban.

Sidoo kale Mar uu Gudoomiyuhu ka hadlayay arrimaha Siyaasada iyo Doorashada waxa uu tilmaamay inaan marnaba la waayan cabasho,hasa yeeshee waxa uu ku booriyay inay waajib tahay in wixii tabasho ah ee jira la iska qanciyo,waxaanu u soo jeediyay Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadu in kii laga guulaystaa uu u haneeyo kii soo baxay.

Saleebaan Maxamud Aadan Gudoomiyaha Golaha Guurtidu waxaa kale oo uu ka dalbaday qaybaha Warbaahinta Somaliland inay u tudhaan dadkooda isla markaana ka dhawrsoonaadaan wixii wiiqaya qaranimada,degenaanshaha iyo nabad ku wada noolaanshaha Ummada Somaliland .

Safarka Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa ku soo beegmay iyadoo uu xili adag dalku ku jiro isla markaana natiijadii doorashadii Golayaasha deegaanka oo mudo bil ku dhow ay ka soo wareegtay weli lagu dhawaaqin ,sidoo kalena ay jiraan Tabashooyin Xoogan oo ay tirsanayaan Qaar ka mid ah Ururada Siyaasada iyo Deegaamo ka tirsan Somaliland oo aan weli sanaaduuqdoodii lagu soo xerayn xarunta Guud ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka.

Hargaysa SDN

Comments are closed