|

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murashaxa Xisbiga Waddani oo Gurigiisa Ku Booqday Gudoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda & Ansixinta Xisbiyadda Qaranka oo Xaalad Caafimaad la soo Deristay

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo ay wehelinayaan xubno kale oo ka tirsan Xisbigaasi, waxa ay maanta gurigiisa ku soo booqdeen guddoomiyaha ururada furashada axsaabta ee Somaliland Md.Cabdirisaaq Ciyaale oo muddooyinkii dambe u jiifay xaalad caafimaad.

Guddoomiye Cirro, ayaa ugu horreyn xaaladdiisa caafimaad ka waraystay siyaasi Cabdirisaaq Ciyaale, waxaana uu sheegay hada ay xaaladdiisa caafimaad ay aad u fiican tahay isla mar ahaantaana uu aad uga mahad-celinaayo booqashada uu guddoomiye Cirro ugu yimi gurigiisa isaga oo carabka ku dhuftay guddoomiye Cirro uu yahay siyaasiyaga keliya ee illaa hada murashaxiinta Xisbiyada booqasho ugu yimi gurigiisa.

Guddoomiye Cirro oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u muujiyey in uu ku faraxsan yahay booqashadiisa uu ugu yimi guriisa, waxaana uu Alle uga baryey in uu caafimaad sareecan ah siiyo.

Comments are closed