Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo Casuumad u fidiyay Xildhibaanadii Golaha Wakiilada ee Afkaartu kala Irdhaysay
Hargaysa 22.Feb 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maalinta berri ah casuumad qado ah u sameynaya guud ahaan xildhibaanada Golaha Wakiilada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Md. Cirro oo qado sharaftiisani tahay mid uu dib ugu midaynayo xildhibaanada golaha Wakiilada oo uu kala fogeeyay khilaafkii dhawaan la soo afjaray, ayaa waxa la sheegay inay ka dhacayso huteelka Maansoor.
Kulanka qado sharafta oo Guddoomiyuhu ugu talo-galay in xildhibaanadu isku laab-xaadhaan, si loo soo celiyo midnimadii Golaha Wakiilada ee Muxaafidka iyo Mucaaradkaba.
Sidoo kale, Wararka ayaa Sheegaya in Guddoomiye Cirro uu casuumaddan u samaynayo si uu kalsooni uga qaato xildhibaanada, ka dibna uu safar ugu baxo dalalka Yurub, kaasi oo la xidhiidha hawlaha xisbigiisa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com