|

Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo Sheegay inay Gudi u saari doonaan is Maandhaafyadii ka dhashay Doorashadii Deegaanka

Hargaysa 11.March (SDN) Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md Saleebaan MMaxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi waxay gudo galeen muddo 45 maalmood ah oo fasax ah, kaasoo xidhitaan u ah kalfadhigii 49-aad ee Golaha guurtida Somaliland.
Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo la sii dardaarmay mudanayaasha ayaa sheegay in golahu ka hawlgalo sidii meesha looga saari lahaa madmadowgii ay bulshada soo kala dhexgelisay doorashadii golaha deegaanka ee dalka ka qabsoontay rubucii u dambeeyey ee sanadkii ina dhaafay.
dhanka kalena Gudoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu sheegay in soo ururinta khilaafaadka yaryar ee dalka ka jira guddi loo saari doono, waxana uu ilaahay ka baryey inuu xal waara soo dedejiyo.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed