|

Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo Markii u Horaysay ka hadlay derajo bixinta Ciidamada

Hargaysa 12.Aug (SDN) Gudoomiyaha galaha guurtida md Saleebaan Maxamuud Adan  oo ay wehelinayeen gudida joogtada ah ee golahaasi  ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta golahaasi ee magaalada Hargaysa waxa uu ku hambalyeeyey maxadwaynaha somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo gudidii u xil saarnayd bixinta derejooyinka Ciidamada

Godoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamud Adan  oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ugu horayn  hambalyo u  diray madaxwaynaha soomaalilnd isagoo ku hanbalyeeyey go’aankiisi geesinimada lahaa  ee uu ku dhiiraday ee talaabadii bixinta derejooyinka ciidamada qaranka, oo uu ku tilmaamay talaabo qaadisteeda ay  ay hore cidi ugu dhiiran waydey.

dhanka kalena gudoomiyuhu waxa uu hambalyo u diray gudidii madaxwaynuhu u xil saaray qiimaynta  bixinta derejooyinka ciidamada qaranka, gudidaas oo ku sufeeyey mid ka soo baxday xilkeedii iyo waajibaadkii loo igmaday

Gudoomiya  ku xigeenka gudida joogtada ah cawil xuseen  oo ay wehelinayeen  xildhibaanada gudida joogtada ah  ayaa iyaguna geestooda hanbalyo u diray madaxwaynaha soomaalilnd md axmed maxamed maxamuud siilanyo iyo gudidii kala saarista derejooyinka  ciidamada qaranka  waxana uu gudoomiye ku xigeenka gudi hoosaadkaasi shaaca ka qaday  in golaha guurtidu  siin doonaan  shahaado sharaf gudidii kala sarista dere jooyinkii ciidamada qaranka,

Dhinaca kalena mudanayaasha gudida joogtada ah ayaa tilmaamay in cidii cidamada ku jirta ee wax tabanaysaa ay u tegi karaan xafiiska gudida kala saarista  qiimaynta cidamada qaranka .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed