|

Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Oo Dhaliilay Qorshaha & Go’aanada Xukuumadu Ku Waajahday Sicir Bararka, Isla Markaana Sheegay Inay Kala Dhimanyihiin!!

Hargaysa 06. February 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) ayaa daadifeeyay eedaha mucaaridku u jeediyeen go’aanka iyo qorshaha xukuumadda ee wax ka qabashada sicir bararka, isla markaana waxa uu qiray in qorshahaasi aanu dhameystirnayn oo aanu wax ka tarayn.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo shalay warbaahinta ugu warramayey magaalada Hargeysa, ayaa ugu horreyn daadifeeyay eedaha ay Xisbiyada Mucaaridku u jeediyeen go’aanka xukuumadu ku wajahayso sicir bararka, waxaanu yidhi “Waxaan u arkaa hadalka (Mucaaridka) ee ah waxba ka tari mayso inuu yahay hadal aanu waxba ka jirin, waxaanan leeyahay wax way ka taraysaa, laakiin way kala dhimantahay oo inay kala dhimantahay waan qirayaa oo aanay ku filnayn inay joojiso sicir bararka”. waxaanu intaasi ku daray “Hal mushkilad ayey wax ka tarayaan oo waxa imika la abaaray mushkiladii”.

 

Jaamac Shabeel waxa uu dhaliilay guddigii wasiiradda ahaa ee loo saaray arrintan,“Anigu waxaan u arkaa in aanay waxba soo kordhin guddigii Wasiirada ahaa ee loo saaray ee ay  go’aanadani yihiin kuwii Baanka dhexe lagu xoojinayey, markaad eegto Zaadka la yidhi boqol dollar wax ka yar yaan lagu dirin oo ay tahay in lacagta Somaliland la isticmaalo, labadaasi tallaabona waxay xoojinayaan Baanka dhexe walise way dhimanyihiin oo maaha tallaabooyin ku filan oo wax ka taraya, waxaana loo baahanyahay in shillinka Somaliland uu noqdo lacagta la isticmaalo oo adduunka ma jirto dal aan lacagtiisa lagu isticmaalin oo anigu maan arag”.

Comments are closed