Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo Ku dhiiraday Talaabo ay ka baqeen Wasiirada Arriamaha Gudaha iyo Warfaafintu DAAWO
Burco 29.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Aadan oo hore loogu Naanaysi Jiray Qabo ayaa Bulshada Gobolka Togdheer u Bixiyeen Qabyo-Tire Waxa uu Gudoomiyuhu maalintii Shalay dejiyey Dad Mudaharaad Sameeyay oo ka soo Hor jeeday Gabood falada ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan Dadka ku dhaqan Deegaanka Degmada Gaashaamo.
Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta oo ku Sugnaa aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Burco oo bannaan baxayaashu hor tubnaayeen ayaa awoodi waayay inay ka soo baxaan dhismaha ay ku Jireen halka uu taas badalkeeda ku dhiiraday Gudoomiyaha Gobolka Togdheer inuu dejiyo dadweynaha Kacsan.