|

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo ka Hadlay Waajibaadka looga baahan yahay Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka

Burco 19.June (SDN)  Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada ayaa maanta magaalada Burco ku soo gabo gabeeyay aqoon isweydaarsi Mudo laba iyo Toban Maalmood ah u socday Mudanayaasha Golaha deegaanka ee Magaalooyinka  Burco,Laascaanood, Ceerigaabo iyo Caynabo.

Munaasibada Xidhitaanka Aqoon Isweydaarsigan ayaa waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer,Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada, Mas’uuliyiin ka socday Hay’ada UNHABITAT iyo Madax kale .

Kulankan ayaa Mudadii uu Socday waxaa lagu naaqishayay Hababka Hogaaminta,Maamulka iyo Maaraynta hawlaha Maxaliga ah ee Golayaasha Deegaanku u Xilsaaaran yihiin.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje ayaa tilmaamay faa’iidada aqoon isweydaarsigani u leeyahay Xildhibaanadii ku soo baxay doorashadii Golayaasha Deegaanka ee dabayaaqadii kal hore ka qabsoontay Somaliland waxa uu Gudoomiyuhu kula dardaarmay Xubnihii tababarkan ka qayb galay in duruustii ay ka kasbadeen ay ku dabaqaan Hawlaha Shaqo ee ay qaranka uga Mas’uulka Yihiin.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxa uu Sheegay in Baahi weyn loo qabo Sidii Xildhibaanada Golayaasha Deegaanku u fahmi lahaayeen Xilka iyo Mas’uuliyada ka Saaran Bulshadii soo dooratay oo uga fadhida Waxqabad dhab ah oo ay hirgaliyaan.

Agaasimaha Machadka Tababarka Shaqaalaha dawlada Prof Maxamed Mixile Boqore ayaa madashii kulankaas ka sheegay inay tababaro kan oo kale ah ka soo fuliyeen Gobolada Galbeedka Somaliland waxa uu agaasimuhu Xusay in Golayaasha Deegaanka looga baahan yahay Sidii ay uga Midho dhalin lahaayeen Balanqaadyadii ay Shacabka u Sameeyeen Xilligii Ololaha Doorashada isagoo intaas ku daray inay Shaqadooda u gutaan hab Sinaan iyo Cadaaladi ku dheehan tahay.

Maayar ku Xigeenka Magaalada Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday ayaa isagu Sheegay inay ku dadaali doonaan Sidii Duruusta ay Qaateen ugu dabaqi lahaayeen hawlaha Shaqo ee loo Igmaday.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed