Gudoomiyaha Gobolka Sool oo kulan la yeeshay Madaxda hay’adaha Amaanka ee Gobolkaas
Laascaanood 21.Feb (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan, ayaa manta kulan xogwareysi ah Waxa uu Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxda Hay’adaha Amaanka ee Gobolka Sool.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahayeen Mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka waxay ujeedadiisu salka ku haysay is barasho iyo Sidii ay Wada Shaqayn buuxda u wada yeelan lahaayeen,Waxaanu Gudoomiyuhu halkaasi Warbixin kaga qaatay dhamaanba Madaxdii kulankaasi ka qayb qaadatay.
Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan ayaa isaguna dhankiisa ka balan qaaday inuu xooga saari doono ka shaqaynta arrimaha nabadgalyada,horumarinta gobolka iyo sidii hay’adaha laamaha dawladu u wada Shaqayn lahaayeen.
Gudoomiyaha Gobolka Sool waxa uu hoga tusaaleeyay mas’uuliyiinta hay’adaha amaanku sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen xilka iyo waajibaadka ay qaranka u hayaan iyo Sidii ay bulshada gobolka Sool Xasilooni iyo nabadgalyo taam ah ugu seexan lahaayeen.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Sool waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda Hay’ada UNDP oo ay ka wada hadleen sidii Mashaariic Wax ku Ool ah gobolka looga fulin lahaa.
Laascaanood SDN.