|

Gudoomiyaha Gobolka Sool Iyo Wefti uu Hogaaminayo Oo Kormeer Ku Tegay Deegaano Colaad Khasaare Nafeed Sababtay Ku dhex Martay Laba Beelood oo Gobolkaas wada dega & Ciidanka Qaranka oo Xil la Saaray

Laascaanood 14. May 2017 (SDN/QJ):- Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre oo ay Weheliyaan Saraakiisha ugu Saraysa ee Ciidamada Qaranka ee Ku Sugan Gobolka Sool ayaa Kormeer Waxay Ku Mareen Deegaanada Koonfurta Gobolkaasi ee Bilihii la soo Dhaafay dirirtu ku dhex martay Laba Beelood oo Wada Dega Gobolkaasi.

Deegaanada Weftigu Socdaalka Ku Mareen Waxaa ka Mid ah Kala baydh,Saax Dheer,Daba Taag iyo Dharkeyn geeyo oo  ay ku qabteen Kulan balaadhan oo ay ka qayb galeen ilaa 600 oo Qof oo Qaybaha Bulshada Ka Kooban,Waxayna Weftigu u Sheegeen In Ujeedada Safarkoodu uu la xidhiidho Wacyigelin Ku saabsan Sii adkaynta Nabadii ay Wada qaateen labada beelood.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir ayaa Sheegay in Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ay ka Go’an tahay sidii ay nabadgalyo buuxda u dhex dhigi lahayd beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhex martay, Waxaa Kale oo uu Sheegay in Maalmaha soo Socda Magaaladda Laascaanood uu ka qabsoomi doono Kulan balaadhan oo Labada Beelood Ku Muujinayaan inay Nabadgalyo iyo wada noolaasho ku dhaqmi doonaan, Gudoomiyuhu Waxa uu intaas ku daray in Heshiiskii hore u dhex maray Labada beelood fulintiisa ay u Xilsaaran Yihiin Ciidamadda Qaranka Isagoo labada beelood uga digay in aanay qaadan Karin wax Hub ah.

Sidoo Kale Cuqaal u hadlayay Labada beelood ee Shaqaaqadu ku dhex martay Deegaanada Koonfurta Gobolka Sool ayaa Cadeeyay inay Diyaar u yihiin Nabad buuxda oo deegaanadooda ka hir gasha isla markaana ay Xurmaynayaan Go’aanadii ay hore u gaadheen.

Comments are closed