Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Hargeysa Dhex Tamashleynaya Iyo Hub la Sheegay Inuu ka Soo Degay Xeebta Maydh
Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)-Waxa la sheegay in xeebta Maydh ee gobolka Sanaag, laga soo dejiyay shixnad hub ah oo sida la sheegay aan tafaasiil laga bixin, hase yeeshee la soo weriyay inuu leeyahay nin ka mid ah dadka deegaankaas degan oo markiisii hore ahaa askari booliska Somaliland ka tirsanaa.
Illaa hadda maamulka Gobolka Sanaag wax tafaasiil ah kamay bixin warka la xidhiidha hubkan, iyadoo muddo bil dhow uu Badhasaabkii Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay uu ku sugan yahay caasimadda Hargeysa oo lagu arko isagoo gaadhigiisa oo dhex tamashleynaya xarumaha dawladda ee ku yaalla Magaaladda Hargeysa.
Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi, Falaay oo aanu la xidhiidhnay ayaanay noo suurto-galin inaanu helno ka dib markii uu qaadi waayay telefoonkiisa gacanta.
Masuuliyiinta kale ee gobolka Sanaag, ayaa iyagu ku gaabsaday inaanay arrintan ka hadlaynin ee uu ka hadli doono badhasaabka oo ay sheegeen inuu socdaal shaqo ku joogo magaaladda hargeysa.