|

Gudoomiyaha gobolka oo deeq u qeybiyay bukaanada cusbitaal Madiina

Muqdisho 05.Nov 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo  cusbitaalka Madiina ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday  hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  maamul ahaan ay garab taagan yihiin bukaanada jiifa cusbitaalka.

isbitaal-Madiina2-300x199
Guddoomiyaha ayaa mid mid u booqday bukaanada ku jira isbitaalka oo uu xaaladooda wareystay, kuwaas oo uu gaarsiiyay kaalmo lacag ah oo loogu  talogalay in lagu daryeelo.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka uu deeq lacag ah u qeybiyay bukaanada ku jira isbitaalka, taasoo uu qofkiiba helay hal Milyan oo Shillin  Soomaali ah, kuwaasoo isugu jira kuwii ku  dhaawacmay weerarkii hotel Saxafi iyo deegaano  kale.

 

Comments are closed