Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ay damaqday eedo Xisbiga Ucid u soo Jeediyay Iyo Jawaabta uu ka bixiyay DAAWO
Hargaysa 24.May 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamud Jeeniyare ayaa iska difaacay eedaymo uu Mas’uul ka tirsan Xisbiga Ucid u soo Jeediyeen isla markaana dusha u saareen Mas’uuliyada ka dhalata arrimo nabadgalayda Saamayn ku yeelan kara oo lagu arkay Caasimada Somaliland ee Hargaysa halka uu Mas’uulka Ucid sheegay in Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex uu haawanayo oo aanay Shaqo ka socon.