|

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay oo ka waramay mashaariic Gobolkaas laga Hirgaliyay

Hargaysa 03.Sep 2013 (SDN)- Maamulka heer gobol ee Gobolka Gebilay ayaa maanta ka Warbixiyay xaaladda guud ee Gobolkaasi gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo arimo kale..

Gudoomiyaha Gobolka Gebiley Md Yuusuf Ibraahin Geeddi oo maanta ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee hargaysa ayaa sheegay inay hadda gacanta ku hayaan dib u furistii gegida diyaaradaha ee Magaalada kalabaydh, qalabkii lagaga shaqayn lahaana uu u soo socdo.

Gudoomiyaha Gobolka GebilayMd Yuusuf waxa uu sheegay in hadda ay ka socoto magaalada Gebilay hawshii hagaajinta bilicda magaalooyinka taasoo qayb ka ahayd xeerkii uu soo saaray wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Md Cali maxamed warancadde, waqti ay ku furfurtaana la siiyey dadka guryaha ku dayray oodda iyo kuwa kale ee ka hordhisay berendadaha.

Gudoomiyaha gobolku waxa uu sheegay in wadooyinka magaalada gebilay lagu teeday oo lagu xidhay laydhka taasoo qayb ka qaadatay ammaanka xiliyada habeenimo, hoosna u dhigtay tuugtii meelaha qaarkood dadka ku baadhan jiray.

Dhinaca waxbarashada ayaa gudoomiyuhu ku sheegay in gobol ahaan ay hore uga qaadeen talaabooyin muhiim ah isla markaana ay  gobolka ka furan yihiin sadex dugsi sare iyo jaamacadda Timacadde oo dufcadii u horaysay ay sanadkan ka qalin jebin doonaan.

Ugu dambayntiina gudoomiyaha gobolka Gebiley waxa uu beeniyey inuu ku amray warbaahinta gobolka ka hawlgasha inay soo mariyaan wararkooda ka hor inta aanay dirin, waxana uu ka dalbaday warbaahintaasi inay warbixinahooda ku saleeyaan runta isla markaana ka dhigaan kuwo dheellitiran.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed