|

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay ayaa maanta xadhiga ka jaray jid laami ah oo isku xidhi doona wadada ka timaada degmada Wajaale iyo Kastamka Kala baydh

Gabiley Feb 17,2012(qurbejoog.com)-Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Xuseen Cumar Magan ayaa maanta xadhiga ka jaray jid laami ah oo isku xidhi doona wadada ka timaada degmada Wajaale iyo Kastama Kala baydh kaas oo ay maal gelisay Dawlada hoose ee Magaalada  Gebilay .

Waxaa munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista wadadan ka qayb galay Maayara Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh,Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee Gebilay,iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedka gobolkaasi.

Maayarka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada ay maamul ahaan ka leeyihiin hirgelinta wadadan oo wax weyn ka taraysa sida ay sheegtay inay gaadiidku si fudud u mari karaan waxaa kale oo ay xustay inay bilicda magaalada wax weyn ka bedelayso.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Xuseen Cumar Magan oo madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Maayarka Magaalada Gebilay oo  mar walba u xusul duuban sida uu xusay horumarinta deegaanada kala duwan ee gobolkaas waxaanu sheegay in hadii aan si wada jir ah la isaga kaashan kor u qaadka adeegyada bulshada ay imanayso inuu hoos u dhac ku yimaado wixii ay ummadu ka filaysay in loo qabto,badhasaabku waxa uu intaasi ku daray in Siyaasada Xukuumadu ay tahay sidii shacbiga baahiyaha ay qabaan loo dabooli lahaa.

 

Qurbejoog-Gabilay

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed