Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ku Taliyay in Xaalada dalka ka Taagan Wax laga Weydiiyo Daahir Rayaale Kaahin
Boorama 20.July 2015 (SDN/QJ)-Badhasaabka Gobolka Awdal Maxmuud Cali Saleebaaan (Ramaax), ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale Kaahin wax laga weydiiyo arrimaha iyo xaaladaha siyaasaddeed ee dalka ka taagan, isla markaana wuxuu sheegay inuu kala tashanayo Suldaan Wabar iyo kooxdiisa ka gaysta falalka amaan-daro Gobalka awdal ee uu masuulka ka yahay.
Badhasaabka Gobolka Awdal Ramaax, ayaa sheegay in taariikhda iyo kaalinta uu ku leeyahay Madaxweyne Daahir Riyaale aan la ilaawi Karin oo aan la soo koobi-karin. “Runtii maaha Daahir Riyaale taariikhdiisa Somaliland ama Gobolka Awdal wuxuu ka yahay mid la ilaawi-karo, waana mid taariikhiya oo aan miridh iyo laba toona aan ku dhamayn Karin.”ayuu yidhi Gabadhasaabka Awdal oo maanta ka hadlay qado sharaf uu u sameeyay Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale.
Badhasaab Ramaax wuxuu sheegay in la muujiyo sharafta iyo abaalka uu ku leeyahay xukuumad ahaan iyo shacab ahaan-ba loo baahan yahay inaynu muujino waxaanuu yidhi,“Runtii waa waajib in Madaxweynihii hore ee dalka Somaliland oo inoo yimi innaanu marti qaadno oo sidan kale isugu nimaadno. Sharafta iyo qiimaha uu inagu leeyahay innaynu muujino runtii weeye. Gobolkii Daahir Riyaale u dhashay maanta anigu Badhasaab ka ahay waajib qaran ayay igu tahay innaan casumo oo tan oo kaliya ahayn ee aanu isku danbayn doono, talo, waano iyo tusaaleba aanu ka qaadan doono, madaama uu yahay ruug cadaa dalka u soo taliyey oo wax badan oo inaga qarsoon runtii og. Waajib mahad-naq gaar ah laysinayo maaha ee waajib ina saran ayuu ahaa. Aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa Madaxweynuhu inuu naga aq-balay marti qaadkii aanu u fidinay.”