Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo Xili adag Booqasho ugu Jihaystay Wadanka Kuwait
Muqdisho 17.Nov 2013 (SDN)- Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta u ambabaxay dalka Kuwait halkaasi oo ay uga qeyb galayaan shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Afrika iyadoo garoonka ay ku sii sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hor inta aanay ka ambabixin magaalada Muqdisho Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay ka qeybgalayaan shirka Madaxweyneyaasha dalalka Carabta iyo Afrika kaasi oo looga hadlayo arimmo la xiriira Dib u dhiska iyo hormarinta wadamadaasi.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa fariin u diray shacbiga Soomaaliyeed oo uu uga mahad celiyey Kalsoonida ay ku qabaan Golahooda Shacabka waxaana uu dhanka kale Gudoomiye Jawaari ku amray Xildhibaannada Baarlamaanka ee dalka dibaddiisa ku maqan iney kusoo xaroodaan magaalada Muqdisho si ay u gutaan waajibaadkooda,xildhibaannada hada Muqdisho ku suganna waxa uu ku ammaanay sida ay heegan ugu yihiin gudashada waajibaadkooda.
Dalka Kuwait ayaa waxaa ku sugan Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda dalka kuwaa oo kulamo looga hadlayay xaalada Soomaaliya la qaatay mas’uuliyiinta wadankaasi, iyadoo xusid ay mudan tahay dowladaasi in lacag fara badan ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii dhibaatada ay ka soo gaartay duufaantii ku dhufatay deegaano ka tirsan Puntland.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com