Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Mr Jawaari oo Cadeeyay in Baarlamanka La Hor Keenayo Mooshin Ku Saabsan Saldhiga Mileteri ee Imaaraadku ka Samaysanayo Magaaladda Berbera & Wefti Sare oo Imaaraadka ah oo La Filayo inay Maanta Berbera Yimaadaan
Muqdisho 04. April 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan jawaari ayaa ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee Baarlamaanka la horgeyn doono ama loo qeybin doono mooshinka ka dhanka ah heshiiska Berbera.
Mooshinkan ayaa Loo Qorsheeyay in Golaha Shacabka La hor keeno Maalinta Arbacada ee beri si ay Xildhibaanadu uga doodaan Saldhigga Militari ee uu Imaaraadku doonayo inuu ka dhisto Magaalada Berbera ee Soomaaliland , oo uu Imaaraadku doonayo inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u hirgaliyo, Â iyadoo Wararku tilmaamayaan inuu Keeni doono Ku dhawaad 300 oo Askari oo Si Wanaagsan u Gaashaaman.
Sidoo Kale Waxaa Maanta la filayaa inay Magaaladda Berbera soo Gaadhaan Wefti Sare oo ka Socda Imaaraadka kuwaas oo doonaya inay soo indha indheeyaan goobaha loo asteeyay inay saldhig ciidan ka sameystaan, iyagoona Sawirro kasoo qaadan doona , sidoo kalana waxaa la filayaa inay halkaas kula hadlaan saxaafadda.
Dowladda cusub ee Somalia ee uu Farmajo hoggaaminayo ayaa Gashay Olole Balaadhan oo ay ku rabto inay Ku fashiliso Qorshaha uu Imaaraadku ku rabo inuu Saldhig Mileteri kaga Samaysto Magaalo Xeebeedka Berbera oo ay u arkaan Bogcad ka Mid ah Dalka Somalia Iyagoo ku doodaya in hadii Saldhigaasi rumoobo uu kala dhantaalayo Midnimada Somalia.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dowladda Sacuudiga kala hadashay sidii ay u dhex dhexaadin laheyd Imaaraadka iyo Soomaaliya, waxayna ugu dambeyn Imaaraadka ka biyo diiday in la wada hadlo.