Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay gudoonka baarlamaanka Uganda
Kampala June 05,2015(SDN/QJ)-Max’ed Shiikh Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo tiro kamid ah baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda ayaa waxa uu la kulmay gudoonka sare ee baarlamaanka dalkaasi.
Kahor inta aysan wada kulmay gudoomiyaasha baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda waxa uu gudoomiye Jawaari ka qeyb galay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka dalkaasi.
Xafladda kadib ayaa la sheegay in ay kawada hadleen labada gudoomiye baarlamaan sidii loosii xoojin lahaa xiriirka kawada dhexeeyo labada baarlamaanka oo mudooyinkaani ahaa mid sii xoogeysanaye.
Gudoomiyaha baarlamaanka Uganda ayaa Xildhibaanada Federaalka ah ee Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu shaqeynayaan bulshada Soomaaliyeed isagoona ugu dar-daarmay in ay sii laba laabaan howl shaqeedkooda sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in gudoomiyaha baarlamaanka Uganda uu balan qaaday sii kordhinta siminaarada ay siiyaan Xildhibaanada Soomaaliya si ay iyane bulshada ugu sii gudbiyaan waxyaabaha ay ku qaataan siminaarada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ku sugan yihiin dalka Uganda iyadoona lagu cazuumay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka dalkaasi.
Mudooyinkii dambe xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo iyo siminaaro Uganda kula qaadanaye xildhibaanada dalkaasi waxaana xusid mudan in ay kuwada heshiiyeen in xubno dhanba dhanka kale uu u diro kulamadooda.
SDN/QJ-Kampala