|

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo ka hadlay Bedelaada Lacagta Giinbaarta ee Gobolka Sanaag oo uu ku sugan yahay

Ceerigaabo 05.Sep 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Mudane Cabdi Dirir Cabdi ayaa Socdaal Shaqo ku Tagay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag waxaanu faahfaahin ka bixiyay Socdaalka uu Gobolkaas ku tagay.

gudoomiyaha baanka somalilandGudoomiyuhu waxa uu sheegay in Ujeedada Safarkiisu ay Salka ku hayso sidii Gobolka Sanaag looga sifayn lahaa Lacagta Giinbaarta ah Faalsada ah ee Shilling Somaliga ah iyo Sidii Guud ahaan Gobolkaas ay uga shaqayn lahayd lacagta Somaliland ,iyadoo laga duulayo ayuu yidhi balanqaadkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland isagoo intaas raaciyay in Mudada uu Gobolkaas joogo uu kulamo la qaadan doono Maamulka Gobolka,iyo Ganacsatada kale ee arrintani saamayso isla markaana ay samayn doonaan qorshe xidido adag ku fadhiya.

“Gobolkani in badan ayuu qayliyay in badan ayuu yidhi lacagtan maxaa nalooga badali waayay miyaanaan Somaliland ahayn, waxaanse leeyahay Waxaad Tihiin Somaliland,wax walbana wakhti ayay leeyihiin maanta ayaan bangi ahaan u soo diyaar garownay inaan bedelno lacagta Giinbaarta ah “ sidaa waxaa Yidhi Gudoomiyaha Baanka Somaliland.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Mudane Cabdi Dirir Cabdi waxa uu xusay in bedelaada lacagta Giinbaarta ah oo hoos u dhac ku haysa dhaqaalaha gobolkaas ay ka mid ahayd Balanqaadadii Madaxweynaha Somaliland,waxaanu ka Codsaday qaybaha kala duwan ee Bulshada ee Gobolka Sanaag inay isu diyaariyaan ka dhabaynta hawshan baaxada leh si ay u samato bixiyaan dhaqaalaha dalka .

Si kastaba ha ahaatee waa markii 1aad ee Xukuumadu Shaaciso inay lacagta Giinbaarta ah ka bedelayso Gobolka Sanaag oo ay bariinsatay

Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed