|

Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay inuu Dhigiisa Guurtida u Gudbiyay Sixitaanka Xeerka Hadalku ka taagnaa iyo Xadhiga Wariyeyaasha DAAWO

Hargaysa 03.Nov 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md.Cabdiraxmaaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa ugu baaqay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inay xorriyadoodii dib ugu soo celiyo Weriyayaasha Telefiishanada ee lagu xidhxidhay Gobolka Gabiley, isla markaana waxa uu beeniyay warar sheegaya inuu guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud  Aadan (Saleebaan Gaal) u gudbiyay waraaq uu ku saxayo qodobadii lagu eedeeyey inuu is-dhaafiyay.

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sidaa ku sheegay mar uu  qaar ka mida Golaha Wakiillada ugu waramayay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Arrintaas waxba kama jiraan,Sidaad ka war qabtaana nidaam ay kuwada shaqeeyaan ayey leeyihiin Golayaasha qaranku (Wakiilada iyo Guurtida), hore saxaafaddu wax loogu qoray looguna sawiray waraaq uu ii soo diray guddoomiyaha Golaha GuurtidU 16kii Bishii ina dhaaftay,aniga oo ixtiraamaya labada Golle waraaqdii uu ii soo diray ayuun-baa uga jawaabay.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Xeer cusubna umaa dirin xeerkina weli waxa uu yalaa Golaha Guurtida,wada shaqeynta iyo waraaqda Guddoomiyihu ii soo qoray ayuunbaa uga jawaabay, waxaan gudbiyayna majiraan.Waxaan xukuumadda baaq ugu soo jeedinayaa inay soo dayso Weriyayaasha ay xidhay ee ku sugnaa degmada Gabiley,ee ka shaqeeya saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland,Iyada oo la eegayo madax-Banaanida saxaafadda lana ixtiraamayo,waa in Xoriyadooda la siiyaa.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Comments are closed