GUDOOMIYAAH URURKA RAYS, AQOONYAHAN LA AAMINI KARO
Waxaa la gaadhay somaliland waqtigii loo hiilin lahaa aqoonta, aragti cusub oo siyaasadeed, iyo hogaan fahamsan isbedelka siyaaasadeed ee saameeynta ku yeelaan kara somaliland.
Astaamahaas iyo kuwa kale oo muhiim ayay tahay inuu yeesho qofka ummad hogaaminaya, hadaba marka aad eegto maanta wadamada aynu deriska nahay iyo aduunka intiisa badan ayaa ku talaabsaday inay hogaanka u dhiibtaan qof fahmi kara baahida umadiisa lana iman kara aragti siyaasadeed oo looga baxi karo baahiyaha jira marba.
Mudane Hassan mohamed ali (GAAFADHI) ayaa isagu ah nin ilaahay siiyay aqoon ahna shakhsi jecel kuna dhaqma diinata islaamka, wax badan kasoo qabtay nabadayntii somaliland, kor u qaadida tayada waxbarasho ee dalka, arimaha deegaanka iyo xoolo dhaqatada.
Hadaba maanta mudanahani wuxuu hogaaminayaa isaga iyo dad badan oo la midii ururka RAYS kaasoo ka qayb geli doona tartanka golayaasha deeganka ee fooda inagusoo haysa, waxaanay kasbadeen taagero balaadhan oo gobol kasta ah oo fursad u siinnaysa in ururkani ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ee soo bixi doona.
Ururkan ayaa sababihii loo abuuray waxa ka kid ahaa in la helo xisbi si dhaba loo wada leeyahay oo aan qof iyo kooxi gaar u sheegan si demoqraaadiyada aynu qaadanay u hesho meel ay ku korto bulshaduna ay fursad u hesho goob ay dareemi karaan inay wax ku leeyihiin.
Saddexdii xisbi ee hore waynu aragnay, hebelbaa siyaasiya waynu aragnay, waana ku mahad san yihiin wixii ay qabteen, maaanta waxaa la gaadhay waqtigii la eegi lahaa lana dooran lahaa loona gudbi lahaa wax qabad dhaba oo ay hagayso aqoon u bisil isbedelada caalamka ka dhacaya.
wa bilaahi tawfiiq
Mubaarak Abdisalan Qabile