Gudiyada Xalinta Khilaafka Golaha Wakiilada oo Sii Badanaya iyo Xubno Go’aano u Gudbiyay Gudoomiye Cirro.
Hargaysa 13.Feb 2014 (SDN)- Ergooyin Is Xilqaamay ayaa ku Biiray Ergadii hore u gashay Xal u Helida Khilaafkii ka dhex aloosmay Aqalka Wakiilada .
Xubnahan Cusub ayaa ka Kooban laba Qaybood oo kala ah Abwaano Magac ku leh Guud ahaan Bulshada ku hadashada af somaliga iyo Aqoon yahano isu Xilqaamay soo afjarida Murankii Sharci ee kala qaybiyay Golaha Wakiilada .
Qaybta Abwaanada Waxaa horkacaya Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi,Abwaan Xasan Xaaji C.laahi Xasan Ganey, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, Suugaan yahan Yuusuf Cabdule “Yuusuf Shaacir” iyo Xubno kale kuwaas oo Kulamo la qaatay labada dhinac ee Khilaafku saameeyay ee aqalka Wakiilada .
Geesta kale Xubno aqoon yahano ah ayaa Maanta Kulan la qaatay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro,iyagoo Sheegay inay u Xusul duuban yihiin Sidii Xal Waara loogu soo dabaali lahaa Khilaafka kala Irdheeyay Isaga iyo Ku Xigeenadiisii una Gudbay Mudanayaasha Golaha Wakiilada,una Gudbiyay Qoraal .
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa soo dhaweeyay Xubnahan is Xilqaamay waxaanu Xusay inay ka mid noqdaan Ergada Guurtida ee uu hogaaminayo Odayga Caanka ah ee Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe.
Aqoon yahan Cali Qoryoolay oo ku hadlayay Afka Xubnahan oo Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay inay Gudoomiye Cirro u Gudbiyeen Qoraal nuxurkiisu ku qotomo in Wax ka bedel lagu sameeyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada isla markaana laga dhigo Tirada lagu ridi karo labadiisa ku Xigeen 55 Cod amase 2/3, Isagoo intaas ku daray in Gudoomiyuhu ka ogolaaday Soo Jeedintooda waxaa kale oo Cali Qoryoolay uu sheegay inay Kulan la qaateen Ergada Golaha Guurtida .
Waxaa kale oo uu Xukuumada ka dalbaday inay faraha kala baxdo Hay’ada Sharci dejinta oo ka Madax banaan Waaxda Fulinta taasoo ah Sida uu Yidhi Mid Daawaynaysa eelka Xannuunku halkii uu ka Yimid.
Si kastaba ha ahaatee Waxaa la eegayaa Warka ka soo baxa Gudida labada geesood ah ee Mudanayaaasha aqalka Wakiilada oo ka dalbaday Ergada Golaha Guurtida inay iyagu marka hore wada hadlaan, kuwaas oo la filayo in wixii ay isku afgarteen ku dhawaaqaan Sabtida soo Socota iyadoo shalay ilaa maanta ay is hor fadhiyeen.
Xubin ka mid ah Gudidan laba Geesoodka ah ee kala Matalaya Gudoomiye Cirro iyo Ku Xigeenadiisa oo ka Cudur daartay in Magaciisa la Shaaciyo ayaa Qurbejoog.com u Sheegay Maanta in labadooda dhinac ay Wax badan isku afgarteen haday tahay Tirada lagu ridayo labada ku xigeen oo uu sheegay inay ku Celin doonaan sidii hore,Waxaa kale oo uu Xildhibaankani intaas raaciyay in Golaha laftigiisa ay ku talo jiraan inay u sameeyaan Turxaan Saar.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com