|

Gudiga Doorashada Heer Federal Oo Soo Saaray War ka Nixiyey Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho 11, December 2016 (SDN/QJ):-Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ayaa war-saxaafadeed ka soo saarey doorasho la sheegay in doorashadii shalay kadhacday magaalada Jowhar ay ahayd midaan waxba kajirin islamarkaana aysan aqoonsanayn musharaxa lagu doortay.

Maxamed C/laahi Xasan (Nuux) oo ah Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaradaha ee Dowladda Federaalka Somaliya iyo Axmed Sheekh Nuur (Cirro), ayaa labaduba waxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ka reebeen tartanka kursiga Beesha Jidle, ka dib markii lagu eedeeyay in ay ka masuul ahaayen iska horimaad 18-kii bishii hore ee November ka dhacay Xarunta Xildhibaanada lagu soo dooranayo ee Magaalada Jowhar.

Doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Jowhar, ayaa waxaa Wasiir Nuux kula tartameysay Hinda Cali Cumar, taasoo uu kaga guuleystay sida la sheegay 45 cod.

Warka ka soo baxay Gudiga ayaa naxdin ku noqdey Madaxtooyada Soomaaliya,maadama ay wateen Wasiir Nuux.

Mana la oga sababta ay gudiga Go’aankaan u qaateen,laakiin waxaa loo badiniyaa inay cadaadis ay la kulmeen.

czyvkxvweaacrnl

Comments are closed