|

Gudidii Ay Soo Dirteen Shaqaalaha Dekeda Berbera Ee Madaxtooyadu La Kulantay Oo Qodobo Culus Hor Dhigay Iyo Madaxtooyadda Oo Balan Dambe U Qabatay Fulintooda + Murankii Oo Wali Taagan

Hargaysa 19. March 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Gudida ay soo dirteen Shaqaalaha Kacsan ee Dekeda Berbera ka hawlgala oo lagu macaabo Ciise Cali Faarax ayaa warbaahinta uga waramay ujeedada Kulan ay la qaateen Wasiiro Xukuumadda ka tirsan oo ay kula kulmeen Qasriga Madaxtooyada waxa ay ka wada hadleen Iyo Balan qaad dambe oo ay Xukuumadu u qabatay xalinta ama ka jawaabista qodobo mihiim ah oo budhdhig u ah Cabashada Shaqaalaha Bebera,oo uu sheegay inay miiska u saareen Xukuumadda,Qodobaasi oo uu kujiro Mid ka hadlaya Xuquuqdii ay Shaqaaluhu sheeganayeen oo ay hore Xukuumaddu u shaacisay inay Fulisay.

Ugu horayn Gudoomiyaha Gudida Shaqaalaha Dekeda Berbera ee wada hadalka Madatooyadda u qaabilsanaa oo Warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Anigoo ka wakiil ah Shaqaalaha Muruq Maalka Dekeda Berbera Magacayguna yahay Ciise Cali Faarax,Waxaa lanoogu yeedhay shaqaaqadii ka dhacay Dekeda Berbera Xalinteeda,Madaxtooyad ayaa lanooga yeedhay,Waxaanu halkasi kula kulanay Wasiirka Madatooyadda Maxamuud Xaashi,Wasiirka Arimaha Dibada Sacad Cali Shire,Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha,Maareeyaha Dekeda iyo Wasiirka Ganacsiga,illaa Xalay waanu wada hadlaynayay,Wixii shaqaaluhu ka cabanayeen iyo wixii aanu anagu fikir ahaan qabnayba waanu u sheegnay,si aad ah ayaanu u wada hadalnay,Hadalka waanu isku kululaanay, laakiin waxaanu isku afgaran waynay muu jirin,waanu isla soo degnay oo waanu isku afgaranay”.

Waxa kale oo faah faahiyay Nooca ay ahaayeen Qodobada ay hor dhigeen Madaxtooyada waxana uu yidhi“Anigu shaqaalaha aan ka masuulka ahay,afar qodob ayaanu sidanay oo ah,Qodobka koowaad oo ah Xuquuqda shaqaaluhu ay leeyihiin,oo aanu Dekeda kula heshiinay berigaanu kuwareegnay oo aanu ka doonaynay Dawlada,Lacagta aanu imika ku shaqayno oo aad u yar,oo aan lagula shaqayn karin Qoladani imika timid,iyo Lacagtii aanu ku shaqaynayay oo wakhtigii aanu qaadan jirnay dhaaftay,oo in muddo ahba naga xaniban,sidaasi darteed,Masuuliyiintii aanu meesha ugu nimid waxaanu isla qaadanay bisha March,in ta Xuquuqda ay shaqaaluhu doonayaa iyo Tan ay Dp-World kaga cabanayaanba in xalkeeda lagali doono,bishaasi March-na ladhamayn doono, Gudidna loo saaray ka socota Gudidii aanu Berbera kaga nimid,Iyo Gudi Dawlada ka socota,Sidaasi ayaanu ku heshiisnay,is afgarad wanaagsan ayaanu ku kala nimid”.

Comments are closed