Gudidada Jaaliyadaha Dibedda ee Beesha Gadhxajis oo soo dhaweeyay kulankii Gudd Faysal Cali Waraabe la yeeshay Madaxweyne Shariif
London April 28,2012(SDN)-Guddida Beelaha Gadhxajis ee qaaradaha Yurub iyo Woqooyiga America ayaa kulan dhaka Telephoneka ah yeeshay waxa ay uga wada hadaleen arrimo ay ka mid ahaayeen Kulan dhawaan ku dhexmaray magaalada Dubai Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif.
Jaaliyada Beesha Gadhxajis ayaa kulankaa ku tilmaamay in uu ahaa tilaabo loo qaaday dhanka nabadda iyo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo beesha caalamkuna ay soo jeedisay.
Gudidu waxa ay Tilaabadaa geesinimada leh ku tilmaantay mid u baahan in la anba qaado oo dhamaan masuuliyiinta Qaranku yeeshaan geesinimo lagu soo dhicinayo danaha dalka.
Guddidu waxa ay ku baaqday oo kale in sidaa masuuliyadu ku dheehan tahay oo kale mujtamaca loogu soo bandhigo halka ay kolba wadahadaladu marayaan.
Guddida Beesha Gadhxajis ee qaaradaha Yurub iyo Woqooyiga America waxa ay ka digeen in si xuun loo fasiro kulankaa a yeesheen Guddoomiyaha UCID iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
SDN-London