Gudidad Dhismaha Dawga Cad Oo Saaka Bilaabay Qaybtii Labaad Ee Dawga Cad iyo Baaq Taageero Ahna U Diray Qurba Joogta Dalka DAAWO
Hargeisa 08.Dec 2013 (SDN)Gudida Isku Xilqaantay Dhismaha Dawga Cad Ee Isku Xidha Dawladaha Somaliland iyo Jabouti ayaa Safar Ugu Baxay Jidkaasi oo In Mudo Ah Uu Dhismihiisu Socday ,Iyagoo Dhamaystiray Qaybtii Koowaad Isla Markaana dhameeyay Sadexdii Km Ee Ugu Dhibta Badnaa isku Xidhka Dadwaynaha Labada Dal.
Jidkan Ayaa Ahaa Mid ay Ku Soo Halaagmeen Dadbadan oo Iskaga Kala Dhoofi jiray Wadamada Somaliland Iyo Jabouti iyadoo Sanadka Kasta Ay ku Rogman Jireen baabuurta Maraysa Jidkaasi oo Aad U Xumaa isla markana dad badani ku nafwaayi jireen.
Waxa Isku Hawlay Oo Ka shaqeeyay Gudi Madaxbanaan oo Kaliged Is xilqaantay Iyadoo Qaybtii Koowaad Ee Ugu Xumayd Dhamaystiray.
Waftigan ayaa Waxay Ku Hakadeen Meel La Yidhaahdo Dhadiga Halkaasi oo ah Meela Ugu Xun Ee Carro Tuula Isla markaan Baaburtu galaan .
Eng Cali Cabdi Oo ka Mid ah Engrada Dhisaya Jidkan ayaa waxa uu Faah Faahin Ka Bixiyay Goobta Dhagida Oo Ah Meel ay Baabuur badani Ku Hanaadmeen ,Waxanu sheegay In Meeshani Tahay Nus Km oo Aanay Baaburtu mari Karin,Waxanay Dhibaato badan U Gaystaaa Safarada iyo Dadwaynaha,Waxanu sheegay Inay noqotay Biyo Mareen.
Gudidan Oo Ah Mid madaxbanaan Ayaa waxay iskugu Jirtaa Engneero Dhisaysa wadada Dawga Cad iyo QurbaJooga Deegaanka Ah,
Buurta Camuud oo Ah Buurta Ugu Dheer ee Baaburtu Dhib Badan Ku Qabaan isla markaan dad badan qabta , ayaa Waxa Ka Hadlay Eng Axmed Warsame Siciid Oo ka Mid ah Engneerada Dhisaya Wadadan Waxanu Yidhi “Maanta Dawgii Waynu ka soo Dhaadhacnay 3km Ee dawga Ahaa Oo la dhamaystiray waad soo aragteen ,halkan aynu taaganahay Waa Buurta Camuud Oo ah Meel ay Baaburtu Dhib badan ku qabaan Waana Halkii Km Ee Noo Hadhsanaa,Hadii Aanu Intaa dhamaynay Nimcadii Maalimihii Dhawayd Da’ay Ayaa dhibaato gaadhsiiyay,Wadada Waanu banaynay Miinooyin Ayaanu Ku Qarxinay Oo Iyadoo 7km Ah Ayaanu banaynay ,Roobkaasi Oo Dayay 36 saacadood ayaa Qaaday Wixii aanu Ciid Dhignay”Ayuu Yidhi Eng Axmed Warasame siciid
Waxa isaguna Halkaa Ka Hadlay Sheekh Cabdiqaadir Jaamac Oo ka Mid ah Gudida Isku Xilqaantay Dhismaha Dawga cad Waxanu Yidhi “iyadoo dan guud ay tahay Cid gaar ahna Loo Hagaajinayayn Markii aanu Bilawnay Waxa Ka soo wareegay Laba sano Anagoo markii wixii aanu haynay Ku bilawnay, waa Sadaqo janada Lagu galayo,Dhamaan Cidii Wax ku darsanaya waxnu leenahay ku soo darasada waliba dar Ilaahay oo Siyaasad Ka Madhan ,Waji Ka madhan,tana taasi ayaanu u qabanay” ayuu yidhi Sheekh Cabdiqaadir jaamac
Waxa Isaguna Halkaa Ka hadlay Xasan Cali Wayd Oo Ah QurbaJooga Ku Dhaqan Wadanka Ingriiska Waxanu hadalkiisa ku bilaabay “ Intii Hawshan la bilaabay Ee La Yidhi Soo Caawiya Wixii aanu soo bixinay Waxanu u Arkaynay Wax Waxqabanay ,Waxan arkay Anigo Afka qurbajooga ku Hadlay Waxaan Aad ula yaabay oo ah Dawga Cad oo La sameeyay ,Dawgan Ay Jabiyeen ,Lacag ayaynu Soo Diri Jirnay Hadii aynu qurbajooga Nahay Waxan Leeyay Lacagta aynu soo Dirnay Ragbaa Wakhtigoodii Lacagtoodii iyo Hawshoodiiba Ku Daray,Meeshu waa mashruuc Dheer Oo Dawlad Mooyaane Dad ka baxeen ,waxaan baaq dheer u jeedinayaa beesha meeshan deegaanka ku ah Inay Iskugu tagaan Jidkaasi halbawlaha Ah,Halkan Wixii la qabtay Waaa Wixii ugu qiimaha badnaa,waynagii ogayn Xoolihii iyo dadkii oo dhimanaya Oo Meel Loo Maro La la’aa,Waxan Qurba jooga Leeyay Arinkan U Soo Jeedsada Ruuxwaliba wixii uu hayo Ha kala qayb qaato,Dhamaan Tijaartana waxan leeyay Hawsha ha La dhamaystiro,”Ayuu yidhi Xasan Cali Wayd
Waxa Isaguna Goobtaasi ka hadlay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure(Sh.ismaaciil Dheeg) Waxanu Yidhi “Saaka Farxad ayay noo tahay Xafladan Loogu Talo galay In Dadka Intii aan Ogayn Markhaati ka noqoto Wixii la Soo Qaybtay,Dadka waxa Ku darsaday Waxanu Markhaat Idinka nahay Wixii Hore Ee Aad Bixiseen Ay Idin noqotay Kayd Ilahay Agtiisa ah, Wixii Dadku Bixiyay Waxay Galeen ,waa mashruuc Jid Banayn Ah Waa mashruuc U Baahan gacmo Fara badan “Ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Dheeg.
Waxanu baaq U diray Dhamaan Deegaanada Somaliland Oo Uu sheegay In Dawgani Ka dhexeeyo yahayna Mid Mihiima,Xaga Kuwa siyaasada ayaa waxa uu u soo jeediyay Inay Wax la qabsadaan Dadkan Is xilqaamay Kaligood.
Xildhibaan Axmed Ciise ayaa waxa uu sheegay In Wadadani Mihiim U Tahay Isku socodka gaadiidka Iskaga Gudbay Labada wadan.
Waxanu sheegay In wax La isla qabto ,xukuumaduna dhankeeda wax ka qabato Wali Kama hayno Wixii Ay Ku baaqday Inay mashruucan wax ku darsanayso.
Ugaaska Guud Ee Beelaha Habar Awal Cabdilaahi Xawaareeye ayaa isaguna sheegay In hadii gacmaha La is Qabsado Wax waliba waa dhamaanay ,waxanu tilmaamay Inay Cid walba dan u tahay Arinkan Aynu wadnaa Oo ah In La dhamaystiro Dawga Cad ,Dawga Cad Waxay ku Xidhmaysaa Ta Salaxlay ka Imanaysa ,meeshanina tahay Mustaqbal Soo socda
Gabagabadiina waxa Halkaasi ka hadlay Gudomiyaha Gudida Dawga Cad Cabdiqaadir Xaashi Waxanu Sheegay Inuu soo Dhawaynayo Waftigan yimid Dawga cad Si ay U soo Arkaan Waxanu yidhi “Marka laga hadlayo dawga cad lagama hadlayo Qareen Goo lakin waxa Laga hadlayaa Deegaan ,Waxa laga hadlayaa Mustaqbal,,waxanu Ka hadlayaa Meelo ganacsigu Is waydaaran doono,wadadan markaynu ka hadlayo waxa inoo soo baxay wax badan ,dawga cad markaynu ka hadlayo waxanu sheegaynaa mustaqbal balaadhan,hala dadaalo Oo Wax ha La isla qabsado” ayuu yidhi Ugaas Xawaareeye
Dawgan Cad aaya ha Mid la waday Mudoonyinkii U dambeeyay dhisayeena Gudidad Deegaanka Oo Gacan ka Helay Qurbajoogta Xukuumadan wali Laga Hayn Balan qaad ay samaysay
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com