|

Gudida Qiimaynta Darajo Bixinta Ciidamada oo daboolka ka qaaday inay dersi doonaan Cabashooyin ay Tirsanayaan Ciidamadu

Hargaysa 10.Aug (SDN) Guddidii qiimaynta darajooyinka ciidammadda Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay dib u qiimayn doonaan oo ay darsi doonaan wixii cabasho ah ee ka soo baxda darajooyinka todobaadkan loo qeybiyay noocyadda kala duwan ee dalka.

Guddidu waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaaladda Hargeysa isla markaana ay ku iftiiminayeen in darajooyinka loo raaciyay nidaam iyo qorshe hore loogu dhigay in laga duulo.

Guddoomiyaha Guddida qiimaynta darejooyinka ciidammadda Somaliland Saleeban Cumar (Ku-joog) oo shirkaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay sidii lagu aasaasay iyo marxaladihii ay soo martay darajadda ciidammadda la siiyay todobaadkan,Waxaanu Xusay in Gudidoodan uu Madaxweynuhu Magacaabay 25kii bishii Septenbar ee sannadkii Tagay,Kuwaas oo ka soo Talo bixinaysay ayuu yidhi soona qiimaynaysay qaabka darajada Ciidamada loo bixin lahaa,isagoo intaas ku daray in hawsha loo Xil saaray ay ahayd mid Culayskeeda leh .

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in wixii cabasho ah ee ka soo yeedha saraakiisha ama ciidammadda dib loo qiimayn doono oo la darsi doono wixii dhacay, waxaanu yidhi “Khaladku waxa uu yimaadaa marka wax la qabto, laakiin qof aan waxba qabani maba khaldamo, Ilaahay uun baa khaldamin, annagu bini’aadam ayaanu nahay, laakiin ma lihin annagu waxayagii waanu sugnay, laakiin waxaanu isleenahay sidii ugu fiicnayd ee cadaaladana waafaqsanayd ee ILAAHAY-na nagu ogyahay ayaanu ku bixinay ,ILAAHOOW eexna ha nooga tagin aqoon darrana ha nagu cadaabin ayaanu taagan nahay, cabasho way jiraysaa cabashadu ma ah mid dad kale cabanayaan, ku beelo cabanayaan ma ah.”

“Ninkii is leh wax baa kaa maqan waa loo diyaar, dib ayaa loo qiimaynayaa,”ayuu yidhi Saleebaan Cumar Ku Joog. Guddoomiyaha Gudida qiimaynta darajooyinka ciidammadda oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Ciidammadda cidna looma diidin waa la wada qoranayey nin walba waa galayey, laakiin ninka dantiisa ka waayey ee is yidhi lacagtaasi kugu filnaan mayso ee meelahaas kale iska warawareeg, waxaanu leenahay dee maanta ha soo hambabarine fursadu way ku seegtee, ciidamadda dib u gal haddii aad doonayso.”

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Ismaaciil Aadan Feel-jeex iyo Maxamed Cali Ismaaciil, waxaanay sheegeen in darajooyinkani aanay ahayn kuwii u dambeeyay ee ay tahay kuwii ugu horeeyay, cidii dedaal iyo karti la timaadana ay qaadan doonaan darajooyinka ciidanka. Waxa kale oo ay ka hadleen ahmiyadda ay Somaliland u leedahay darajadda ciidammadda oo sii xoojinaysa haybadda iyo kala dambeynta ciidammadda noocyadooda kala duwan.

Waxa kale oo ay u mahad celiyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo iyagu ku guualaysatay inay toban kun oo askari siiso darajooyinkii ciidammadda.

Tan iyo Markii ka soo Wareegtay 8 bishan aynu ku Guda Jirno oo Ciidamada kala duwan ee Somaliland lagu taxay darajooyinkii Mudada badan la naawilayay ayaa waxaa hadal haynteedu soo badatay in Gudida Hawshan loo Xilsaaray aanay si Cadaalad ha u Maarayn Darajo bixinta Ciidamada,Waana Markii 1aad ee Gudidani ka fal celiso hadal haynta dami wayday ee darajada Ciidamada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed