|

Gudida Qaban qaabada Xuska 18 May ee Gobolka Gebilay oo Maanta ka waramay halkuu Marayo Diyaar Garawgoodu

Gebilay 10.May (SDN) Gudida Qaban Qaabada Xuska dib ula Soo Noqoshada Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland ee  18 May ee Gobolka Gebilay ayaa maanta ka hadlay halka uu marayo abaabulkoodu iyagoo baaqna u diray Guud ahaan Shacabka Gobolkaas.

Maayarka Magaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse oo ka mid ah Xubnaha Gudida Qaban qaabad Xuska 22 Guurada ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland oo Madashaasi ka hadlay ayaa Tilmaamay in Gudidoodu ay ilaa iyo hada qabteen Shaqo adag oo ay ugu diyaar garoobayaan Xuskan qaran Waxaanu Sheegay inay dibu habayn balaadhan ku samayn doonaan Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Gebilay isagoo intaas ku daray inay abaabuleen Kooxo Fanaaniin ah oo kala qayb qaadan doona Xuska Munaasibada 18 May.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ibraahin Geedi ayaa dhiniciisa Tilmaamay in Xuskan taariikhiga ahi uu dhinaca kalena ka yahay mid ay Shacabka Somaliland ku Muujinayaan sida ay ugu adag yihiin ka midho dhalinta Qadiyada Qaranimada Somaliland,dunnida inteeda kalena ay ugu Gudbinayaan fariin ka turjumaysa in Somaliland lagu abaal mariyo Wixii ay Qabsatay Mudada 22ka Sanadood ah ee ay Jirtay.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay isla markaana ah Gudoomiyaha Gudida Qaban qaabada Xuska ee Gobolka Gebilay Waxa uu ka dalbaday Bulshada Gobolkaasi inay Maadaama Tartan ay ku jiraan Gobolada kale ee dalku inay soo bandhigaan Laxaadkooda kana qayb qaataan Munaasibada Qaran oo ay inaga Xigto Todoba Cisho.

Gebilay SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed