“Gudida Ictiraaf Raadintu Waxay Noqon Doonta Mid Kharash Soo Kordhisa…” Siyaasi C.laahi Geel Jire
Hargeysa,28,February,2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii horre ee wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Warfaafinta Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa sheegay in gudidii ictiraaf raadinta ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay ay qaranka ku soo kordhinayaan kharash. Isla markaana wuxuu sheegay in gudida uu madaxweynuhu isaga ku daro uu madaxweynuhu kalsooni badan ku qabo isaga.
Geeljire wuxuu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka Somcable, waxaanu yidhi “Anigu waxaan qaba kalsooni uu madaxweynuhu ugu qabo iyo sharaf ay aniga ii tahay inuu madaxweynuhu I xusho oo uu ku kalsoon yahay inuu hawl ii diran karo itaalka ay doonto ha lahaato, magaca ay doonto ha lahaato, aniguna aan aad iyo aad ugu faraxsannahay in aan Madaxweynaha la shaqeeyo.”Ayuu yidhi Geeljire
Sidoo kale, wuxuu sheegay Geeljire inuu madaxweynuhu kalsooni badan uu ku qabo oo uu ku daro gudiyo kasta“Markeeda horre waxaad xasuusataan inuu Madaxweynuhu isagu hoggaamiyahaga ahaa markii aanu SNM ahayn, markaanu xisbiga hayn, qofka aanu la shaqaynaynay ee aanu kalsoonida aanu siinaynay wuxuu ahaa isaga, imikanna uu madaxweynihii qaranka yahay. Madaxweynaha qarankanna muwaadiniinta wuxuu xaq ugu leeyahay inuu wuxuu qofku ka maari waayo iyo hawshu u maari waayo u diro, kii marka aanu hawl u dirinnaa maaha inuu yidhaahdo maxaa anigga xil la ii siin waayay, marka xilku kuma bays garaysnaa cilaaqaadka naga dhaxeeya Madaxweynaha.”
Dhinaca kale, Geeljire wuxuu sheegay in gudidii madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ictiraaf raadinta ay qaranka ku soo kordhinayso kharash badan “Horta gudiyaddu waa kala jaad, gudiyaddan uu madaxweynuhu golihiisa ka magacaaba maaha gudiyo kharash ku soo kordhiya qaranka, waxa weeye shaqaalaha iyo wasiiradiisa iyo dadkiisa oo inba in u magacaabo ilayn oo in cid lagu ogaadaaye oo uu ku kalsoonyahay oo yidhaahdo hebel iyo hebeloow hawsha soo ururiya I horkeenna. Gudida ictiraaf raadintu waxay noqon doonta mid kharash soo kordhisa, marka horrenna kharashkaasi wuxuu ku jiray, kharasha ay dawladu markii horreba kaga shaqaynaysay, marka wax cusub oo soo kordha maaha ee waa isku ururiya waa la isku hagaajiyay weeye.”ayuu yidhi Geeljire