Gudida Doorashooyinka Somaliya Oo Laaley Afar Xildhibaan Oo Jimcihii La Doortey Matalyeyna Gobolada Somaliland Iyo Beesha Ay Ka Soo Jeedaan
Muqdisho, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Gudida doorashooyinka Dalka Somaliya ayaa sheegay in ay gabi ahaanba laaleen afar ka mid ah xildhibaanadii maalintii jimcihii lagu doortey magaalada Muqdisho matalaayayna Beelaha Somaliland ee halkaasi u jooga in ay ka mid noqdaan Xubnaha labada aqal.
Afarta xildhibaan ee jimcihii la doortey ayaa ka soo jeeda Beesha dhexe ee Somaliland ISAAQ waxaanay ka so kala baxeen Beesha CIIDAGALE oo sii kala ah DHAMAL MUUSE Iyo ABOKOR MUUSE,
Gudida waxay arintani ku sababeeyeen in ay jirtey musuq maasuq cad oo halkaasi laga sameeyey iyada oo goobta laga saaray qaar ka mid ah musharixiintii iyo ergooyinkii dooranaayey.