Gudida Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Wakhtiga Doorashadu Qabsoomeyso Iyo Tirada Cod Bixiyayaasha Isdiwaangaliyey
Hargaysa 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland Siciid Cali Muuse oo u Waramay Wargayska Saxansaxo ayaa kale ka hadlay kulamadii ay la yeesheen Sadexda Xisbi qaran iyo wararka sheegaya in ay dib u dhacayso doorashada madaxtinimada eek u mudaysan bisha sadexaad ee sannadkan socda.
Siciid Cali Muuse oo ugu horrayn aanu wax ka waydiinay tirooyinka la baahiyey ee lagu sheegay dadkii iska diiwaan geliyey Gobolada dalka in ay jiro iyo in kale waxa uu yidhi “Anagu waxba maanaan sheegin anagu wax aanu shaacinay ma jirto oo natiijo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ah, wax aanu warbaahin u dirnay ama aanu cid la wadaagnay ma jirto” ayuu si kooban u sheegay Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse.
Afhayeen Siciid Cali Muuse oo aanu waydiinay kulankii ay la yeesheen Xisbiyada iyo in ay dib u dhacayso doorashadu waxa uu ku jawaabay “Anaga hawlahayagii sidii ayey noogu socdaan oo hawlihii kaadh qaybinta iyo hawlahayagii kaleba sidii ayey noogu socdaan wax dhib ahina ma jiraan, wax gab ah oo nagu yimidna ma jiro mar walbana waxaanu ku soconaa jadwalkii ahaa in doorashadu ku dhacdo wakhtigii loogu talo galay ee bisha sadexaad ee sannadkan, jadwalkii aanu dhignay ayaanu ku soconaa kaadh qaybintuna way bilaabmaysaa oo way soconaysaa laakiin hawlo kale oo badan ayaa ka horreeya”
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland oo aanu waydiinay wakhtiga ay bilaabayaan kaadh qaybinta waxa uu sheegay in aanuu ka jawaabaynin hadda, isla markaana uu ka gaabsaday in uu sheego wakhtiga ay rasmiga ah ee ay bilaabayaan qaybina kaadhadhka codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland waxaanuu yidhi “Wakhtiga ay bilaamayso qaybinta kaadhadhka codbixintana kaagama jawaabayo hadda”
Siciid Cali Muuse oo aanu waydiinay sida ay macquulka u tahay in kaadhadhka la qaybiyo maadaama oo ay dadkii miyigu ka guureen in badani goobihii ay degenaayeen, waxa uu sheegay in aanu arrintaas ka jawaabaynin waanu ka gaabsaday su’aashaas jawaabteeda.