Gudida Doorashooyinka Qaranka oo Sharci daro ku Tilmaamay Gudi ay Magacaabeen Dalada Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee SonSaf
Hargaysa 15.Sep 2016 (SDN/QJ):-Guddida doorashooyinka qaranka somaliland ayaa ka hor yimid guddi ay magacawday dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF.
Dallada Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa sheegtay inay guddidaasi u xil saaran tahay xalinta wixii khilaafaad ah ee ka soo baxa doorashooyinka Somaliland balse guddida doorashada ayaa guddidaasi ka hor timid shalayna soo saartay war-saxaafadeed ay arrintaasi kaga hadlayaan. War-saxaafadeed ka soo baxay guddida doorashada ayaa lagu sheegay inay sharci darro tahay guddidaasi, waxaanu war-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka qaranku Mudane Siciid Cali Muuse oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Sbakada Qurbejoog u dhignaa sidan:-
“Guddida doorashooyinka qaranku waxa uu halkan ku caddaynayaa in guddida loogu magac daray Guddida Xallinta Khilafaadka Doorashooyinka ee ay ku dhawaaqeen dalladda ururada aan dawliga ahayn ee loo soo gaabiyo magacood SONSAF, sida ku soo baxday warbaahinta kala duwan tariikhdii markii ay ahayd 08/09/2016 aanay ahayn mid ku dhisan sharci.
Koomishanka Doorashooyinku Qaranku waxa uu si cad u qayaxayaa inaanay SONSAF lahayn awood sharciyadeed (Maandhayt) oo ay ku abuuri karto guddi xallisa khilaafkaad doorashooyinka, cid kaliya ee u igman qarankana uga masuul ahi in ay xalliyaan khilaafkaad iyo cabashooyinka doorashooyinku waa guddida doorashoyinka qaranka sida ku cad qodobka 14 farqadiisa 7aad ee xeerka (xeer LR.20-2001). Muranada iyo cabashooyinka la xidhiidha doorashadu waxa ay leeyihiin hab raac iyo jaran jaro dhamaystiran oo loo raaco xallintooda kana bilaabmata Goobta codbixinta loona gudbiyo xafiisyada heer degmo, heer gobol iyo heer qaran ee guddida doorashooyinka qaranka, waxaanu habracaasi ku dhamaadaa maxkamadda sare ee dastuuriga ah ee jamhuuriyada Somaliland. Habracaasi lagu xaliyo wixii muran ah ee dorashooyinka ka soo baxa waxa si cad u faah-faahinaya xeerarka doorashooyinka sida xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka qodobadiisa 14 farqadiisa 7aad,49,53 farqadiisa(4), 57aad (C),59aad (3),62aad (1,2,3,),64aad (A), 65aad(1,2) iyo si waafaqsan qodobada 46aad,49aad(4),50aad(3),53aad (j), 57aad(f),49aad(c), 61aad(1,2)ee xeerka doorashada golaha waiilada (xeer Lr 20-2/2015).
Haddana waxa layaab leh, in hay’ad aan wax awood ah ku lahayn geeddi socodka xallinta khilaafaadka iyo cabashooyinka doorashooyinka, isla markaana aan lahayn xil dastuuri ah ama xeer u jideeyey in ay magacawdo guddi aan xeer jidayn taas oo baal marsan hannaanka sharci ee xallinta khilaafaadka iyo cabashootunka doorashooyinka. Guddida doorashooyinka qaranku waxa ay ka digayaan cawaaqib xumada ay yeelan karto abuurista iyo ku dhawaaqista guddi aan sharci ku dhisnayn, taas oo cawaaqib xumo dhaxalsiin karta habsami u socodka doorashooyinka, nabadgelyada, xasiloonida, kala-dambaynta sharci iyo kalsoonida shacabku ku qabaan doorashooyinka.
Waxaannu hay’adaha xukuumadda, sharci-dejinta, garsoorka iyo dhammaan daneeyayaasha la socodsiinaynaa in guddidaasi ay samaysay SONSAF aanay awood sharci u lahayn shaqadaasi, isla markaana baal marsan yihiin, hannaanka iyo hab-raaca xallinta khilaafaadka iyo cabashooyinka ka soo baxa doorashooyinka ee sharcigu jideeyey. Sidaas darteed, go’aan kasta oo ay soo saaraan uu yahay waxba kama jiraan (Null and Void).
Guddida Doorashooyinka Qaranku waxa ay ugu baaqayaan SONSAF in ay faraha kala baxaan, sahqada iyo awoodaha sharci ee Guddida Doorashooyinka Qaranku u igman yihiin uguna masuul yihiin Qaranka JSL.
Allaa Mahad Leh
Siciid Cali Muuse
Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL.