Gudida Anshaxa ee Xisbiga Ucid oo ku dhawaaqay inuu Cali Guray Waayay Xubinimadii Xisbigaas iyo Kala Dhantaalnaanta Qoraalkooda AKHRI
Hargaysa 09.April 2016 (SDN/QJ):- Gudida Anshaxa ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Sheegay in ay Maanta Go’aamiyeen inuu Xubin-nimadii Xisbigaasi waayay Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo ay Sheegeen inay Hore u siiyeen Digniin kama danbays ah.
War qoraal ah oo uu ku Saxeexan yahay Gudoomiyaha Gudidda Anshaxa ee Xisbiga Ucid C.raxmaan Axmed Cali Isla markaana aan lagu Sheegin Wax fadhi ah oo ay Yeesheen Gudida Anshaxa iyo Sidoo kale Xubnihii Gudidaasi ayaa lagu Sheegay in Cali Guray uu Jebiyay Xeer hoosaadka Xisbiga Ucid.
Halkan ka akhri Qoraal ay 4tii Bishan ku Sheegeen in Gudida Anshaxa ee Xisbiga Ucid ay Ku Anshax Mariyeen Xubno ka Tirsanaa Xisbigaas oo Waayay Xubin-nimadoodii iyo Saxeexa Xubnaha Gudidaasi