Gudi Hoosaadka Difaaca ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo Kulan la yeeshay Wasiirka Gaashaandhiga & Xaaladaha ka soo Kordhay Dagaalkii Shalay ee Somaliland Iyo Punt land DAAWO
Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Guddida Difaaca Ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa kulan la yeeshay Maanta Wasiirka gashaan dhiga Somaliland Ciise Yuusuf Waxayna ka wada hadleen arrimo sharci oo ku saabsan Sidii loo ansixin lahaa Wasiirkan oo ka mid ah Wasiiradda Cusub ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Arrimaha kale ee is xogwaraysigani ku saabsanaa ayaa ka mid ah Dagaalkii Shalay ku dhex maray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Kuwa Punt land Deegaanka Tuko raq ee Gobolka Sool.