Gudi Hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada oo Soo Jeediyay in Miisaaniyada la Ansixiyo {DHAGAYSO}
Hargaysa 07.October 2013 (SDN)- Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa Gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladu waxay Mudanayaasha u Jeediyeen Warbixinta Miisaaniyada Qaranka ee 2014ka oo uu dhawaan Golaha Wakiilada u soo Gudbiyay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale.
Gudoomiyaha Gudida dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Maxamed Maxamud Cumar Xaashi ayaa tilmaamay in Nuqulka Miisaaniyada ay Gudi ahaan Gacanta ku hayeen Mudo kooban isla markaana ay haboonaaan inay Kulamo la yeeshaan dhamaanba hay’adaha ku xusan Miisaaniyada Qaranka .
Gudoomiyaha Gudida dhaqaaluhu waxa uu Xusay in Miisaaniyada Qaranka 2014 ka ay ka Muuqato Korodh aad u badan waxaanu Xildhibaanada Golaha ka Codsaday inay ansixiyaan Miisaaniyadan.
Guji halkan oo Mobilkaga ka dhagayso warbixinta Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XilCumarxaashi7.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com