Gudi Hoosaadka Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada oo Soo Gabogabeeyey Kulan Howled Lagu Lafoguraayey Shan Xeer Oo Qabyo Ah DAAWO
Hargaysa 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Maanta Caasimada S/Land Ku Soo Gabogabeeyey Kulan Howled Lagu Lafoguraayey Shan Xeer Oo Qabyo Ah.
Kulan Howleedkaasi Oo Mudadii Uu Socday Lagu Lafo Guraayey Shan Xeer Oo Uu Ka Mid Aha Xeerka Qaranka Ee Maareynta Maaliyada Iyo Xisaabaadka Ee Dalka ,Oo Qabyo Qoraal Ah Oo Horyaala Golaha Wakiilada Somaliland .
Xidhitaankii Kulankaasi Oo Ay Ka Soo Qaybgaleen Xubno Golaha Wasiirada Ah Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta Qaranka Cali Salaam Jirde (Cali Shoombe),Xidhiidhka Golayaasha Qaranaka Cali Xaamud Jibriil Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada S/Land Dr:Maxamed Faarax Ducaale Iyo Marti Sharaf Kale Oo Kulankaasi Lagu Soo Casuumay ,Waxaana Kulankaasi Ka Qaybqaadanaayey Aqoonyahano,Ardeyda Jaamacadaha Dalka Iyo Mudanayaal Ka Tirsan Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland .
Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan Ayaa Faahfaahin Ka Bixiyey U Jeedadii Uu Kulankaasi Uu Daaranaa ,Waxaanu Tilmaamay In Howl Balaadhan Ay Ummadeena U Soo Qabteen ,Waxaanu Gudoomiyuhu Uu U Mahadnaqay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Sidii Waxneyd Ee Ay Ula Shaqeyneysay Mudadii Uu Kulankaasi Uu Socdey,Shirkadi Howshaasi Ka Caawisay Ayuu Mahadnaq Gaara U Jeediyey Wado Shaqeynta Ay La Leeyihiin Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland .
Dhankiisana Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Cali Salaam Jirde (Cali Shoombe ) Oo Goobtaasi Ka Hadlaayey Ayaa Ka Waramay Faaiidada Uu Bulshadeena U Yeelan Doono Shantan Xeer ,Oo Tilmaamaya Waxa Yare E Aynu Haysano Sidii Aynu U Maamulan Lahayn ,Ka Wasaarad Ahaana Waxaa Ay Golayaashu Noo Fududeeyeen Howshii ,Dadkii Ka Soo Shaqeeyeyna Waxaan Leeyahay Waad Mahadsan Tihiin ,Saxaafada Waxaan Leeyahay Xagga Wanaagsan Wax Ka Eega Oo Horumarka Wax Ka Eega ,Dowladii Iyo Golayaashii Nway Wado Shaqeynayaan.
Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada S/Land Maxamed Faarax Ayaa Si Wado Jir Ah Uga Waramay Faaiidada Uu Dalka U Yeelan Doonaan Shantan Xeer Ee Qabyada Ah ,Waxaanay Baarlamaanka Somaliland Oo Ay Si Wado Jir Ah Ay Uga Dalbadeen In Xeerarkaasi Si Wado Jir Ah Uga Soo Gudbaan.
Geesta Kalena Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed Oo Kulankaasi Si Rasmi Ah U Soo Xidhay Ayaa Sharaxaad Ka Bixiyey In Ay Ka Go-An Tahay In Ay Meelmarinayaan Oo Ay Hirgalinayaan Xeerarkaasi Oo Imika Qabyo Qoraal Imika Ah.