|

Gudi Hoosaad ka Tirsan Golaha Wakiilada oo Musuq Maasuqii ugu Xooganaa ku soo Saaray Hanti dhawrka qaranka

Hargaysa 20.Dec 2014 (SDN/QJ)- Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada Somaliland u qaabbilsan Daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka, ayaa maanta Golaha soo hor-keenay Warbixin dhinacyo badan taabanaysa, isla markaana ka shiftay musuqmaasuq baahsan iyo maamul-xumo hadhaysay iyo Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Qaranka.

XILDHIBAAN-MAXAMED-CALI-XIRSI-300x273Guddigan oo muddo baadhis ku waday hannaanka Hay’addani u shaqayso iyo sida ay uga hawl-gasho ilaalinta Hantida Qaranka, siiba Xisaab-xidhyada iyo baadhista meelaha Musuqmaasuq ka dhaco, ayaa sheegtay inaan Hay’addani gebi ahaanba Guddigan hawlihii ay Qaranka u xilsaarnayd, isla markaana aanay wada shaqayni ka dhaxayn Madaxda Hay’adda oo ah Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud.

Sidoo kalena, Madaxda Hantidhawrku ay la shaqayn wayday Guddigan Wakiillada oo ka dalbatay inay si cad ugu soo bandhigtay Xisaab-xidhada Miisaaniyadaha Qaranka iyo Meelaha Hanti-dhawrku u galay arrimo Musuqmaasuq waxa uu ku gabo-gabeeyay .

Guddoomiyaha Guddiga Daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, ayaa Mudanayaasha Wakiillada ka hor-akhiriyey War-bixinta ay Guddi ahaan soo saareen, taasoo Qoraakeeda ay Guddigu sharraxaad kaga bixisay sida ay Madaxda Hanti-dhawrka guud uga dhego-adaygeen Guddigan baadhista ku haysay sidii ay u ogaan lahaayeen in Hantida Qaranka la ilaaliyay lana raacay Shuruucda u degsan dalka, waxaanu Warbixintaas Guddiga ee Guddoomiyuhu akhriyey u qornayd sidatan:- “Tusaale, Guddigu waxay Hanti-dhawraha la qaadatay kulammo aad u faro-badan labadii sano ee ugu danbeeyey.

Waxaanay qoraallo faro-badan u qortay Xafiiska Hanti-dhawraha kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwan sumadoodu ay hoos ku qoran yihiin:-

  1. GW/G/01/57/2012
  2. GW/G/01/73/2012
  3. GW/G/01/98/2013
  4. GW/G/01/20/2013
  5. GW/G/01/10/2014
  6. GW/G/01/24/2014
  7. GW/G/01/194/201

Dhammaan Waraaqahaas iyo kulamadaas aanu la galnay nuxurka dalabka Gudiddu wuxuun buu ahaa qaar isku mida waxaanuna ka dalbanaynay saddexdan qodob ee halkan hoose kuqoran:-

  1. U soo gudbint Guddida Warbiximaha Sanadlaha ah. (Annual Report)
  2. Warbiximaha Hay’adaha uu baadhay iyo Gunaanadkooda
  3. Warbixin xisaabeedka hay’adda lafteeda iyo hantideeda guurtada ah iyo maguurtada ah.

Codsiyadaas iyo dalabyadaas ay Guddidu waydiisatay, mar walba Hanti-dhawrahu wuxuu Guddida ka codsadaa in ay siiyaan waqti aan kabadnayn 10 malmood, 5 maalmood, mararka qaarkood 2 wiig.

Guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranku iyagoo markasta tixgelinaaya wadashaqaynta Xafiiska Hanti-dhawraha, tixgelisana codsiga kaga yimaada Hanti-dhawraha Qaranka, Dhamaan balanqaadyada Hanti-dhawrahuna waxay ku dhamaataa mid aan waxba ka fulin.

Mararka qaarkoodna wuxuu Hanti-dhawraha Guud noo soo qorayay waraaqo nuxur ahaan ka duwan wixii aanu ka dalbanay, oo aanu u aragnay uun isdiidsiin iyo ka cagajiid. Gudidu siwadar iyo si shakhsiyaad ahba waxay uga hawlgaleen hirgelinta wadashaqayn dhexmarto Hay’addaas iyo Golaha si loo gaadho Hadafkeena Qaran ee aynu higsanayno.”

Warbixinta Guddidan Wakiilada ka tirsani ka diyaarisay Hantidhawrka waxaa lagu sheegay in baadhis lagu sameeyay Hay’adda lafteeda ay ku Ogaadeen inaanay wada shaqayniba ka dhexayn Madaxda Hay’adaasi

“Ka dib markaanu in badan eegaynay Xogona ka urur-sanaynay Hay’adda Hanti-dharka Guud waxaan  noo soo baxday in:-

  1. In Aanay wax wada shaqayni ka dhexayn madaxda u saraysa Hay’ada, Gudoomiyahuna Lumiyey Nidaamkii wadasghaqayneed ee Hay’adda.
  2. In Shaqada Hay’addu ay ku kooban tahay Gudoomiyaha oo uuweheliyo agaasimaha Dawlada dhexe.
  3. In Hay’adu noqotay Hay’addaha ugu hoosaysa tayo ahaan intii aanu la kulmaynay madaxda qaranka, anagoo Hay’adaha ku qiimayna warbixinada ay nasiiyaan iyo xogo oo aanu badanaa ka helno siyaabaha ay hayadahu amaba wasaaraduhu ku gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
  4. In Gudoomiyahu aanu ogolayn in xogo qoraala uga gudbiyo Golaha Musuqmaasaqa xukumada hadheeyey ee uu afka ka sheegaayo.
  5. In Hay’adda laftigeedu aanay ka madhnayn maamul xumo baahsan oo dhexdeeda ah taas oo sababi karta wax isdaba marin.”

Talo soo jeedinta Guddida:-

Guddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hanti Qaranku waxay soo Jeedinayaan Qodobadan hoos ku xusa:

  1. In Madaxweynahu uu dib u eegis balaadhan oo kor iyo hoos ah ku sameeyo Hay’adda Hanti-dhawrka Qaranka.
  2. In Wax ka bedel kaabis lagu sameeyo Xeerka Hanti-dhawrka (Xeer 5/98) oo ku dhisnaa Cahdi Qarameedkii la waafajiyo Dastuurka JSL.
  3. In Xisaab-xidhyada 2008, 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2013 ee uu Hanti-dhawraha Guud Golaha keenay lagu wada celiyo si u u soo dhamaystiro, u soo saxo una soo raaciyo cadaymaha iyo Documents (Supported documents) looga baahan yahay.

Warbixintan oo ka kooban 11 Bog ayaa lagu sheegay in Xisaab xidhada Miisaaniyaddaha ee Hantidhawrku soo gudbiyay Guddidu ka heshay Khaladaad fara badan oo u muuqda Musuqmaasuq, kuwaasi oo uu Hantidhawruhu ka garaabay Khaladkooda balse uu ku cudur daartay inuu baadhis ugu noqonayo.

Mudaneyaasha Aqalka Wakiilada ee iskugu jira Muxaafadka iyo Mucaaradka ayaa warbixintan si diiran u soo dhaweeyay ugana mahadnaqay Guddida, iyagoo qaarkood soo jeediyeen in Go’aan gole weyne laga soo saaro waxyaabaha Musuqmaasuqa ah ee Warbixintu muujinayso. Qaranka.” Sidaa ayay Guddigu ku yidhaahdeen Warbixintan uu Guddoomiyuhu u sharraxay Mudanayaasha oo intan ka badan, isla markaana bogag badan ka kooban.

Warbixintan oo toddobaadkii hore qorshuhu ahaa in Golaha ay Guddigu u soo gudbiyaan, ayaan suuragelin, ka dib markii ay Xildhibaannada Mucaaradka iyo Muxaafidku isku qabteen in qaybinta Warbixintan laga horreysiiyo ansixinta Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka oo Golaha hor-taallay, isla markaana waxa markii dambe suuragashay in Mudanayaasha Aqlabiyadda Golaha Wakiillada ee Muxaafidka ahi ku guuleysteen qorshohooda ahaa ansixinta Miisaaniyadda, dibna loo dhigay qaybinta Warbixintan Sabtida manta la horkeenay Golaha.

 

Comments are closed