Gudi daraasaad kusameeya sidii Maamulka Gobolka Banaadir uyeelan lahaa gole degaan oo lagu dhawaqey DHAGAYSO
Muqdisho 22,March,2016(SDN/QJ):-Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa kasocda olo’le ladoonayo sidii maamulka gobolka Banaadir iyo Dowlada hoose u yeelanlaheyd gole degaan.
Hadaba Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu soo magacaabey gudi kuwaas oo lasheegay in ay daraasaad kusoo sameyn doonaan sidoo kalena warbixin ka keeni doonaan sidii maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada Hoose ay u yeelan lahaayeen gole deegaan.
Gudiga uu kudhawaaqey gudoomiyha Gobolka Banaadir Yuusuf xuseen jimcaale ayaa ka kooban amaba tiradooda lagu sheegay 11 xubnood oo uu gudoomiye uyahay Iimaan Nuur Iikar Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshadda Maamulka Gobolka Banaadir .
waxaa warbaahinta warqada gudiga lagu soo magacaabey u aqriyey afhayeenaka maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.