|

Guddoonka barlamanka oo magacaabay guddi doorasho barlamanka

Muqdisho Dec 22,2011(qurbejoog.com)  Kulankaani oo ay maanta Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada barlamanka ee kasoo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa ay lagu magcaabay guddiga soo diyaarinaya doorashada guddoonka cusub ee barlamanka  Soomaaliya.
 
Xildhibaanada ayaa waxa ay shegeen in maadaama ay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iminka ay muhiim tahay in la helo gudoon cusub oo shir gudoomiya fadhiyada barlamanka.
 
Warsaxaafadeed ay kasoo saareen Xildhibaanada oo uu ku saxiixnaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka Axmed Dhimbil Rooble Casoow islamarkaana lagu soo xulay ilaa 33-Xubnood oo ah guddiga Doorashada barlamanka ayaa wax lagu sheegay in loo baahanyahay in dadkaasi ay gutaan wajibaadkoodu shaqo.
 
Qaar ka mid ah magacyada guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka cusub ayaa waxaa Saxaafadda u aqriyay Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil.
 
Max’ed Max’ud Guuleed (Gacmo dheere)
Sheekh Nuur Cali Aadan
Daahir Amiin Jeesoow
Ibraahim Max’ed Deeq
Cali Cumar Geeddi
Cabdi Ibraahim Cabdi
Max’ed Max’ud Xasan
Ismaaciil Max’ed Cabdi
Max’ed Ibraahim Cabdull
Max’ed Sheekh Nuur Ismaaciil
Max’ed Sheekh Cali Woosh
Max’ed Nuur Sheegoow
Max’ed Aadan Waayeel
Cismaan Yuusuf Xaraare
Yuusuf Mire Seeraar
Mowliid Xuseen Cumar
C/raxmaan Jimcaale
Amiin Cumar Jaamac
Yaasiin Bucul
Xasan Aadan Macalin
Salaybaan Max’ed Ibraahim
 
Shalay ayay aheyd markii gudoonka sare ee barlamanka kulan ay ku yeesheen Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in 287-Xildhibaan oo gabi ahaamba kasoo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan.
 
 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed