|

Guddoomiyihii hore ee Ha’yadda qurbo-joogta Oo Xukuumadda ku ammaanay derajooyinka ciidammadda

Finland 12.Aug  (SDN)- Guddoomiyihii hore ee Ha’yadda qurbo-joogga Somaliland Mudane Saleebaan Maxamed Faarax, ayaa maanta soo dhaweeyay tallaabadda xukuumadda Somaliland ay ku hirgelisay  derajooyinka ciidammadda kala duwan ee dalka, waxaanu arrintaasi ku sifeeyay qodob weyn oo xukuumaddu fulisay oo shacbiguna ku diirsadeen.

Sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed uu saaka ka soo saaray dalka Finland oo uu degan yahay, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxaan codkayga ku biirrinayaa taageeradda baaxadda leh ee aan u hayo qorshaha weyn ee Xukuumada  Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo sadex jirsatay ay ku bixisay derajooyinka ciidammadda kala duwan ee dalka oo loo qeybiyay toban kun oo askari oo ka mid ah ciidammadda qalabka sida.

Tallaabadani waa balan-qaadkii xisbiga KULMIYE ku gallay ololihii doorashadda oo la rummeeyay. Waxa xusid mudan in digreetaddii Madaxweynuhu ku dhaqan geliyay derajooyinka ciidammadda uu sheegay in korodhka gunnooyinka ciidammadda dallacay lagu camal fali doono bisha fooda innagu soo haysa ee September 2013.

Waa qodob miisaankiisa dhaqaale leh oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si geesinimo leh ugu dhiiratay, waayo waxa dawladihii kale ee ka horeeyay ay ka maagi jireen bixinta gunnooyinka derajooyinku ay soo kordhinayaa.

Sidaas awgeed, waxaan hambalyo u dirayaa gudidii qiimaynta ciidammadda iyo 10-ka kun ee askari eek u guulaystay in lagu tollo derajooyinkii u horeeyay ee Somaliland Ciidammadeeda ku taxdo nus qarni ku dhawaad Somaliland jirtay.”

Finland SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed