Guddoomiyhaha Ururka Wadajir oo Canada soo gaadhay
Toronto Dec 14,2011(qurbejoog.com)-Waxa shalay magaalada Toronto ee dalka Canada soo gaadhay wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland isla markaan ah guddomiyaha urur siyaasadeedka Wadajir Md Aadan Axmed Celmi Dhoolayare.
Guddomiyaha oo ay Toronto si weyn ugu soo dhaweeyeen qaar ka mid ah jaaliyada reer Somaliland ee magaaladaa ku nool.
Guddoomiye Dhoolayare ayaa lagu wadaa in uu dhawaan magaaladaa kula hadlo Jaaliyada oo uu u soo bandhigo Hadafyada urur siyaasadeedka Wadajir.
Qurbejoog-Toronto