|

Guddoomiye Tarsan oo Dibad-wareeg ah shirarka Amaanka lagaga Hadlayo iyo shaki laga qabo in xilka laga qaadi doono

tsanMuqdisho:4-aug-2013(SDN) – Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Somaliya, waxaa xalay ka dhacay shir uu soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Sida ay tibaaxeen  xubno ka qaybgalay shirka, waxaa lagaga hadlay cabasho uu soo jeediyay Guddoomiyaha gobalka Banaadir Tarsan, taasoo ku saabsan in loo diiday  ka qaybgallo shirarka looga hadlayo ammaanka Dalka.

Sidoo kale Tarsan wuxuu sheegay in laga mamnuucay in aanu qaban Karin isku soo bax maadama  uu xiisan gaar ah Abuuray Hadal uu dhawaan ka sheegay isu soo bax lagu qabtay caasimadda muqdisho  oo lagaga soo horjeeday weerarkii turkiga lagu qaaday.

Tarsan ayaa dibad bixii Muqdisho ka sheegay in weerarkii Turkiga Al-Shabaab kaligood  aanay fulin, balse ay jireen gacmo kale oo ka saaciday in weerarkaasi guulasyto.

Hadalkaas waxaa la sheegay in ay aad uga cadhoodeen madaxda dowladda Soomaaliya oo u arkay mid turxaamaysan oo dadka kala fogaynaya, waxana arrintaasi keentay in dib looga fiirsado shaqada uu qaranka u hayo.

Shirka waxaa ka qaybgalay xildhibaannada baarlamaanka ee uu ka soo jeedo Tarsan iyo kuwa beesha Abgaal, waxana looga dan lahaa inuu Guddoomiyuhu dadkiisa  u soo bandhigo arrimaha cusub ee soo foodsaaray kalsoonidii ka dhexaysay madaxda qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xalay magaalada Muqdisho si wayn u soo galay wararka sheegaya in Tarsan la Beddeli doono oo aanu xilkan ku sii raagi doonin, maadaama kalsoonidii lagu qabay  ay meesha ka sii baxayso.

 

Dhinaca kale, xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxaa xalay ka socday kulamo looga hadlaayo ammaanka, waxaana kulamadaas loo diiday in uu ka soo qaybgalo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, walina lama garanayo sababta keentay  in Guddoomiyaha kulankaas loo diido.

 

Somalidiasporanews.com.

Mugdisho/Somalia.

 

Comments are closed