“Guddoomiye Saleebaan Waxaad Moodaa Inuu Ku Takhasusay Qaabka Loo Rido Dagaalada Sokeeye.” Ooto Biixi
Hargeysa, 03 May 2015 (SDN/QJ)-Qaar ka mida Odayaasha , Mujaahidinta Iyo Waxgaradka Beesha Koonfurta Magaalada Hargeysa iyo Gobolka Howd, ayaa shalay shir jaraaid ku qabtay Gudaha Magaalda hargeysa, waxay go’aan adag ka istaageen in muddo kordhin ka badan hal sanno loo sameeyo xukuumadda.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Otto Biixi) waxaana uu yidhi “Maalmahan wadanka khilaaf xoog leh ayaa ka taagan oo ku saabsan kordhinta doorashooyinka,komishanka doorashooyinka, xisbiyada mucaaridka ah iyo dawladu waxa ay isla qaateen in hal sanno lugu daro, hase-ahaatee mushkilad kale ayaa soo koradhay oo ah ninka la yidhaa Saleebaan ee ah gudoomiyaha Golaha Guurtida waxa la moodaa inuu ku takhasusay qaabka loo rido dagaalada Sokeeye.”ayuu yidhi Otto Bixii
Otto wuxuu hadalkiisii sii raaciyay “Saleebaan wuxuu ahaa ninkii barigii dagaalkii sokeeyaha intuu burco tagay oo lacag loo dhiibay intuu mikirafoon qabsaday yidhi laba saacadood xidha albaabada sidii uu kaneeco buufinaayo labadii saacadod waxa ay burco ku qaadatay in laba sano burco dagaal ka socdo. Maantan halkan Saleebaan waxa uu ka yidhi guurtiday dhagah furaysata, hadab waxa aanu leenahay dhagah iyo indhahab hadaad furaysato waxa caalamka , umada iyo xisiyaduba ku heshiiyeen saacad kuma dari kartida ayaan leenahay anagu.”
Sidoo kale, waxaa isaguna shirkaa jaraaid ka hadlay Xildhibaan Cali Cismaan wuxuuna yidhi “ Halkan waxa aan maanta (shalay), isugu nimi oo la leeyahay Guurtidu waxa ay soo wadaa waxa aan dalka iyo dalkuba raali ka hayn, anagoo ku hadlaayna magaca Beesha Dagta Koonfurta magaalda hargeysa iyo Gobolka Hawd-ba Guurtida waxaanu leenahay raaca waxaa sadexda xisbi qaran iyo komishnkuba isku raceen oo yaan dalka fowdo la galin ayaanu leenahay anagu taas waxa aanu u soo jeedinaynaa Golaha Guurtida sababtoo ah hadii halkaas maanta la dhaafiyo waxa soo baxaaya wax aan la filanayin Saleebaan ayaanuu jeebka kala soo bixin wax aan la filanayin.”ayuu yidhi Xildhibaan Cali Cismaan waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Waxaanu leenahay beesha caalamku halkan waa yimadeen xisbiyada ayaa la shireen xukuumda ayaa la shireen halka sanno waxa ka badan cidna ma ogola ayaanu leenahay halkaa sanno ayaa lugu dhawaaqay haday dhaafto se cidii dhaafiysay ayaa ka masuul ah iyo odayaasha dhaxaltooyada kuwada jooga gabigooguba.
Dhinaca kale, waxa shirkaasi soo afmeeray Oday Cali Curi “ Dalkan Somaliland wada tashi iyo is afgarad ayuu halkaas ku soo gaadhay ileen waa dal la wada leeyahaye sheekh ibraahim sheekh madar xiliguu Gudoomiyaha guurtida ahaa waxa madaxweynaha ahaa Cigaal Alle Naxaristii Jano howgu deeqee waa is qaban jireen oo didibso ayay is odhan jireen. Laakiin maanta waxaan leeyahay lagaama filayin in aad tidhaa dhagaha furaysta intaad saddexdii habeenimo ka soo dagto beeshiina waa la karaameeyay dalka iyo dalka waxa ula hadh ayaan idin leeyahay .