|

Guddoomiye Ramaax Oo Ku Dhawaaqay Tallaabo Gaadiidka Dawladda Lagaga Badbaadin Karo Suldaan Wabarka Fallaagoobay

Borama:May,05,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa markii ugu horraysay Soo Saaray Awaamiir lagaga Hortegayo Tallaabooyin Nabadgelyo darro ah oo dhawaan  Kooxo rabshad wadayaal ahi kula baxsadeen Gaadiid Dawladdu lahayd, waxana uu ku dhawaaqay iskudayo cusub oo arrimahaas lagaga hortegayo.

ramaaxGuddoomiye Ramaax oo shalay shir u qabtay Saraakiisha Ammaanka Gobolka iyo Masuliyiinta kale ee halkaas ku sugan, ayaa shaaciyey in Wixii ka dambeeya Labada Duhurnimo aan la arki karin gaadhi Dawladdu leedahay oo Magaalada dhexdeeda marayaa, isla-markaana la xaraynayo gaadiidkaas,

“Gaadiidka Dawladda Laga Bilaabo 2:00pm, waa in lagu soo xareeyo xerada Ciidanka Birmadka, Haddii Hawgal loo Baahdo Gaadiidka la isticmaalayo Noqonaya, Haddii kalena Nabadgelyada si aynu u sugno inaanay Gaadiid Suuqa wareegayaa jirin” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax.

Guddoomiye Ramaax  ayaa tallaabadan qaaday, kadib markii  bishii hore ee Sanadkan ay kooxo budhcad ahi Badhtamaha Magaalada Borama ka afduubteen Gaadhi ay lahayd wasaaradda Maaliyaddu, kaas oo loo gacan geliyey fallaagada Sudlaan Wabar.

Deegaankaas oo guud ahaan nabadgelyo ka jirto, ayaa waxa warwar laga qabaa isku dayo uu Suldaan Wabar ku waxyeellaynayo Hannaanka Nabadeed, kaas marar badan la arkay Hub kala kuwan oo si qarsoodi ah Magaalada Dhexdeeda loosoo geliyey.

Waa Markii ugu horraysay tan iyo intii Nabadgelyada somaliland hana qaadday ee  amar lagu bixiyo in gaadiidka Dawladda la xareeyo  saacad noocaas ah, waxana loo arkaa mid kamid ah Taxadarrada lagaga hortegayo rabshad-wadayaasha kacaashka ka deyaya arrimaha Ammaan ee Dalka ka hirgalay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed