|

Guddoomiye Muuse Biixi Oo Wali Ka Aamusan Wareejinta Haamaha Keydka Berbera iyo Xadhiga Madax-dhaqameedka

Hargeysa:Sep,20,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa wali aamusnaan ku daawanaya Tallaabada ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku wareejinayso Haamaha shidaalka Berbera iyo waliba Xadhigga joogtada ah ee ay ku hayso Madax-dhaqameedka ra’yigooda ka dhiibanaya Arrintaasi.

qaboGuddoomiye Muuse oo la hubo inuu musharrax ka yahay xisbiga Kulmiye oo la filayo inuu dhawaan shirweyne qabsado, ayaa diiday inuu arrimaha noocaas ah wax jawaab ah  ka bixiyo, waxana ay shacabku u turjunteen shakhsi raalli ka ah tallaabooyinka qallafsan ee Xukuumadu ku hayso Hantidda umadda iyo Xorriyatul-qawlkaba.

Muuse Biixi Cabdi, ayey saxaafaddu in badan isku dayday inay wax ka weydiiso aragtidiisa la xidhiidha Wareejinta Keydka Haamaha shidaalka ee Berbera, balse waa uu iska diiday inuu jawaab bixiyo, isagoo aan wax cudurdaar ah bixinin.

Guddoomiye Muuse Biixi oo loo arko nin si weyn ugu heellan hoggaaminta dalka madaxweyne Siilaanyo dabadii, ayaa loo arkaa shakhsi door biday inuu ka hagrado bixinta jawaabahaas, isla-markaana uu caddeeyo mawqifkiisa ku aaddan Wareejinta Keydka Berbera oo iyadu ah arrin shacbigu si weyn uga soo horjeedaan.

Muuse Biixi cabdi waxa  uu sida muuqada iska diiddan yahay inuu mawqifkiisa muujiyo, isagoo xukuumadda ka gabanaya inay ogaato mawqifkiisa, waxana uu door bidayaa inuu aamusnaan ku daawado arrimaha dhacaya.

 

 

 

SN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed