|

Guddoomiye Muuse Biixi Oo Markale Ka Baaqsaday Inuu Madaxweyne Siilaanyo u Raaco Safarkiisa Galbeedka Dalka

Hargeysa:Feb,16,2015(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga Talada Haye ee Kulmiye  Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Markii labaad ka baaqsaday inuu Madaxweyne Siilaanyo ku weheliyo Safarkiisii uu shalay ku tegay Deegaanada Gobolka Gabiley, waxana uu iska watay shaqada xafiiska Xisbiga Kulmiye.

eerGuddoomiye Muuse Biixi, ayaa lagu arkay Shalay isagoo xafiiskiiga fadhiya, xilli inta Badan Xubnaha Golaha Wasiirrada  oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ay safar  xadhiga lagaga jarayey mashaariic, Arday Qalinjabisayna Shahaadooyin lagu Guddoonsiinayey ay ku tageen Gobolka Gabiley, iyadoo sidoo kalena xubnaha Kulmiye ugu sarreeyaa aanay Madaxweynaha Raacin.

Shacabka ayaa si weyn u hadal hayey Baaqasho hore oo uu Guddoomiye Muuse Biixi kaga Baaqsaday  Safarkii ballaadhnaa ee Madaxweyne Siilaanyo hore ugu soo maray Inta Badan Gobollada Dalka, waxana arrintaas lagu fasiray inuu sii xumaanayo Xidhiidhka Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale waxa Safarradaas madaxweynuhu dalka Gudihiisa u baxayey laga waayey Hoggaanka sare ee Kulmiye, Sida Maxamed Kaahin, Jaamac Shabeel iyo  waliba saraakiisha u go’ay Hawsha Xisbiga Kulmiye.

Sida la ogyahay Muuse Biixi Cabdi iyo saaxiibadiisa Xisbiga Kulmiye, ayaa si weyn uga  soo horjeeda Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay doonayaan in doorashada xilligeeda la qabto, maadaama madaxweyne Siilaanyo uu hore u shaaciyey inuu musharrax yahay.

Xidhiidhka madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa xumaaday kadib markii uu Muuse Biixi si cad u sheegay inuu u tartami doono Murashaxa Xisbiga kulmiye  uga qaybgeli doono Doorashada soo socota, waxana arrintaas si weyn uga soo horjeestay Madaxweyne Siilaanyo oo looga Hadhay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed