Guddoomiye Muuse Biixi Oo La Garnaqsaday Mudanayaasha Xisbigiisa, weydiiyayna Sababta Keentay In Awoodda Shir-guddoonka la Wiiqo iyagoo Aqlabiyadda Golaha Haysta iyo Jawaabta Xildhibaanada?
Hargeysa:01-02-2014(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa Markii ugu horraysay Kulan gaar ah la Yeeshay Mudanayaasha Xisbigiisa ah ee ku Jira Golaha Wakiillada Somaliland.
Guddoomiye muuse Biixi oo haatan la liicliicaya Culaysyo iyo Duufaano Siyaasadeed oo Dhinaca Madaxtooyada lagaga Soo Faruuray, ayaa haatan Kulankan uga Dan lahaa sidii uu mudanayaasha haysta Aqlabiyadda Golaha ee Xisbigiisa ugu Abtirsada loo marsiiyey in xubno kale oo tiro yari ay hoos u dhigaan Awoodda Labada Guddoomiye Ku Xigeen oo Kulmiye ka Tirsan.
Warar Hoose oo Kulankan u Dhuun Daloola ayaa sheegaya in Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi in badan maalintii shalay intii kulankaasi Socday Mudanayaasha weydiiyey sababta Arrintaas keentay, maadaama aan Xisbiga marna looga baqaynin in Golaha Dhexdiisa loogaga Codeeyo wax isaga Ka Dhan ah oo cid kale wadato.
Mudanayaasha ayaa la Sheegay inay Su’aashaas iyada ah u Waayeen Jawaab Rasmi ah oo kaga Cudur Daartaan, isla Markaana ay ku Tiraabeen Hadallo aan lagu qanci karin oo Guddoomiyaha ku keenay inuu saluugo Hadalkooda.
Kulankan oo uu Guddoomiye Muuse ku Macneeyey Hadhimo-sharafeed balse u jeeddadiisu ahayd sidii Mudanayaasha loo su’aali lahaa Guuldarrada Xubanahooda ee Golaha Dhexdiisa iyo Waliba Dardargelinta Hawlaha Xisbiga ee Haatan meelaha Xaasaasiga ah maraya, ayaa ugu dambayntii la islagartay in wax laga Beddelo Hannaanka Haatan wax u socdaan.
Guddoomiye Muuse ayaa la sheegay inuu Halkaas Hadal dheer ka Jeediyey isla-markaana si waayeeltinimo iyo Odaytinimo ku jirto ugu faahfaahiyey mudanayaasha inay Boodhka iska Jafaan, soona Celiyaan oo muujiyaan Awoodda uu Xisbigu ku dhex leeyahay Golaha oo haatan aan sidii la rabay u muuqanin.
Waxa kale oo la sheegay inuu Guddoomiye Muuse carrabka Ku dhuftay in Mudanayaasha looga Baahan yahay inay Arrimaha xisbiga u soo jeestaan oo masuuliyad iska Saaraan turxaan Bixinta iyo Dhamaynta Arrimaha dhinaca Shirweynaha Xisbiga ku saabsan oo Haatan Guddoomiyaha Laf dhuun Gashay ku ah.
Waxa sidoo kale uu Guddoomiye Muuse sheegay in dhinaca Xukuumada laga Saluugsan yahay waxqabadka Xubnaha Golaha Ugu jira Xisbiga, maadaama Siyaasadaha Xukuumaddu caqabad badan iyo Su’aalo kala kulmaan Mudanayaasha Tirada yar ee Haatan mucaaridka ah, isla-markaana aanay muuqanin awoodda iyo tirada xubanaha xisbigu ku dhex leeyahay Golaha.
Ugu dambayntii waxa Halkaas la iskula gartay in si weyn wax looga Beddelo Nidaamka ay haatan yihiin Xubnaha golaha ugu jira Xisbigu, waxana ay Mudanayaashu Qaateen Dhaliishii loo soo jeediyey iyagoo Ballan ku qaaday inay Muujin doonaan Isku duubni iyo Midnimo oo ay dhexdooda ka saari Doonaan Arrimaha yar yar ee u dhexeeya.
Guddoomiye Muuse ayaa Haatan siweyn uga wararsan Dhibaatada Xisbigiisa ka Haysata Dhinacyada Siyaasadda Gudihiisa iyo Tafaraaruqa inta badan sababa inaanu shirweynaha Xisbigu qabsoomi waayo, waxaa Taasi keentay inuu shaki badan ka qaado dhinaca Madaxtooyada oo uu u arko in laga soo Maleegayo Jallaafooyin isaga ka Dhan ah.
S.D.N