|

Guddoomiye Muungaab Oo Luuqad Waddaniyaydaysan Oo Kulul Kula Hadlay Wasaaradda Maaliyadda Oo Dhibaato Ku Haysatay Shacabka Danyarta ah

Muqdisho:Oct,15,2014(SDN/QJ)-Guddomiyaha Gobolka Banaadir Gudoomiyaha Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa markii ugu horraysay Luuqad adag kula hadlay wasaaradda Maaliyadda Somalia oo uu ku tilmaamay mid ka shaqaynaysa Dhibta Shacabkeeda danyarta ah.

mungaabGuddoomiyuhu waxa uu sheegay inay wasaaradda Maaliyaddu dadka danyarta ah si joogto ah Kantaroollada Muqdisho ugaga qaaddo cashuurro sharcidarro ah oo aan ku waajibin dadka laga qaadayo.

Mr Muungaab ayaa sheegay in hadii sidan ay wax ku soo socdaan aanu kursigiisa sii joogi karin, oo ka fikiri doono inuu xilka isaga dego, hadii aanay wasaarada maaliyada wax ka qaban, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka masaakiinta e xoogooda maasha ee magaalada soo geliya cowskii, caanihii iyo dhagaxii in boono lala taagan yahay duleedyada Muqdisho.

“Dadkii masaakiinta ee caanaha, dhagaxii iyo cowskii ay xoogooda ku maaleen soo saaranaya oo magaalada soo gelinaya waxaa canshuur lala taagan yahay Galgalato iyo Ex Koontarool Afgooye, boono wasaarada maaliyada ka timid la leeyahay ayaa canshuur loogu qaadaa, meel ay kitaabka ku qoran tahay ama canshuur ama maaliyad ma jirto”ayuu si kulul u yidhi Muungaab oo ka hadlayay siminaar uu maanta u furay qeybaha kala duwan Mas’uuliyiinta degmooyinka oo lagu baranayay maamul wanaaga.

Muungaab ayaa sheegay in maanta ay mareyso dowladda Hoose ee Xamar inay tahay waax ka tirsan Wasaarada Maaliyada, taasna aanay aheyn wax la aqbali karo, waxaana uu sidoo kale xusay in dakhliga laga qaado gudaha Muqdisho aan Maamulkiisa laga siin 15%

“Maanta dowladda hoose xamar waxay mareysaa inay tahay Waax ka tirsan Wasaarada Maaliyada, marka dadkaan iyo dalkaan ma lagu hor marin karo, kursigeena inaa ka fikirno inaa meesha iska sii joogno oo aan hadlin, bulshada ay ceejisnaato oo canshuurtii cooskii iyo caanaha iyo dhagaxa boono wasaarada maaliyada looga qaado waa doqonimo waa dib u socod jaahilnimo mana aqbali karno”ayuu yidhi Muungaab.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ay isa soo tarayeen cabasho ka imanayay dadka keena magaalada Muqdisho caanaha, cowska iyo dhagaxa oo canshuuro looga qaado koontaroolada magaalada.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed