Guddoomiye ku xigeenka barlamanka KMG ah oo sharci daro ku tilmaamay xilkaaqistii Shariif Xasan
Muqdisho Dec 13,2011(qurbejoog.com)- Guddoomiye ku xigeenka barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay xilka qaadistii Xildhibaano ka tirsan barlamanka ay maanta ku sameeyeen gudoomiyihii barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xilli maanta 283-Xildhibaan oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha shcabka ee Magaalada Muqdisho ay isku raaceen in xilkii ay ka qaadeen guddoomiyihii barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa arrintaasi waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeen barlamanka Soomaliya C/wali Ibraahim Muudey.
Guddoomiye ku xigeenka barlamanka KMG Soomaaliya C/wali Ibraahim Muudey oo galinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sharci daro ku tilmaamay xilkii maanta Xildhibaanada barlamanka ay sheegeen inay ku sameeyeen gudoomiyihii barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
C/wali Ibraahim Muudey ayaa waxaa uu sheegay in qofka xilka laga qaado karo hase ahaatee loo baahanayhay in la maro wadadii loogu talagalay, wuxuuna carabka ku dhuftay in Xildhibaanadii maanta ay khilaafeen sharciyada barlamanka sida uu hadalka u dhigay.
“Hoolka barlamanka markii la tagayo waxaa lagu tagaa ajando barlamanka loo sheegay 24-saac ka hor laakin in inta la’iska baxay la jabiyay albaabkii barlamanka sidaasina meeshii lagu galay kadibna layiri waxaan xilka ka qaadnay gudoomiyaha baralmanka waa mid sharci daro ah” sidaasi waxaa yiri guddoomiye ku xigeenka barlamanka C/wali Ibraahim Muudey.
Khilaafkaani soo kala dhexgalay Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ayaa wali waxaan ka hadlay Xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG oo sheedda ka daawanaya arintaani, iyadoo aan la’ogayn halka ay ku dambeyn doonto jahwareerkaani siyaasadeed ee iminka soo kala dhexgalay Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya.
Qurbejoog-Muqdisho